Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa si kulul kaga hadlay wararka ku aadan in xilka laga qaadayo, maadaama muddooyinkii ugu dambeysay la hadal hayay.
Muungaab, oo ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa si sarbeeb kaga jawaabay wararka la xiriira in xilka gudoomiyaha gobolka laga qaadayo.
Wuxuu hadalkaasi ku tilmaamay inuu yahay hadal u dhigma Dawaco weerartay ari ilaalo laga hayo, taasi oo uu ula jeeday si sarbeeb ah.
“Dawacada ariga wey cuntaa weyna iska qeylihee, ninka ariga ilaalinaya maka kacayo ileen wuxuu og yahay in waxa qeylinaya iney yihiin waa dawac, marka waxaan u jawaabeynin waxa waaye dadka qeylinaya waa Dawaco, marka xirsiga wuu xiran yahay gobolkana wuu xiran yahay”.
Wuxuu si cad u sheegay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah, ayna sii heyn doonaan xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho
“Waxaas waa been abuur ee haka niyad jibinin anagana waan isla wada joognaa, waana isla wada joogeynaa”ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir.ayuu yiri gudoomiye Muungaab.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

