25.5 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

Siyaasiyiinta Beesha Habar-Gidir oo 2 qeyb u kala jabay iyo shirar ka socda…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Habar-Gidir, ayaa xaqiijiyay in muran kala fogeeyay uu ka dhashay qaab dhismeedka Maamulka la doonaayo in loo dhiso galgaduud iyo mudug ee Gobolada Dhexe.

Mid kamid Siyaasiyiintaasi oo u sir waramaya Caasimada Online, ayaa sheega in Siyaasitiinta qaar ay taageersan yihiin go’aanka ay DF Somalia iyo Ethiopia ku dooneyso in Madaxweynaha Maamulkaasi loo xulo Danjiraha Somalia u fadhiya Magaalada Addis ababa ee Cariga Dalka Ethiopia, halka kuwa kalane ay kasoo horjeedan in dhismaha Maamulka ay faragaalin ku sameyso DF iyo Dowlada Ethiopia.

Kulan ay Siyaasiyiinta Beeshaasi kuwada qaaten Hotelada Nasa hablood Two iyo Hayat ayaa waxaa ka dhashay Khilaaf kaasi oo sababay inay ku kala qeybsamaan dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe.

DF Somalia iyo Xubnahaa gadaal kariixa ee Dowlada Ethiopia ka jooga Magaalada Muqdisho, ayaa iminka wada dadaalo ay ku dhaqan galinayaan in Maamulkaasi loo xusho Siyaasiga Axmed Cabdisalaan, waxaana dhanka kale socda dadaalo ay wadaan Odayaal kasoo Jeeda Beeshaasi oo ay ku hakinayaan damaca DF iyo Ethiopiaa.

Inkabadan 7 Siyaasiyiin oo u badan Beesha Habar Gidir ayaa u taagan qabashada Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News