27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Muqdisho: Ciidamada DF Soomaaliya oo qaati laga taagan yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka loo yaqaan Minishiibiyada ee qaabilsan qaadista canshuuraha Bariga, ayaa caqabad waxa ay ku noqdeen shacabka Somaliyed ee ku nool Magaalada Muqdisho, iyaga oo ciidankaasi awood u sheegta Bulshada qaybahooda kala duwan.

Askariga ka tirsan ciidamada Minishiibiyada ayaa subax kasta u shaqo taga xaafaddaha Magaalada Muqdisho, isaga oo ugaarsi ku haayo dhisme yar oo lagu sameynaayo qaybo ka mid ah guryaha ku yaal Magaalada Muqdisho ama dayactir xittaa guriga lagu sameynaayo.

Hab dhaqanka ciidanka ayaa ah guriga hortiisa ama goobta ganacsiga horteeda haddiiba ay ku arkaan Shamiindo qasan inay ka qaadaan lacag cadadkeeda uu badan yahay, qofkii aanan dhiibina ay ku handadayaan hubka ay wataan ciidanka.

Qof ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin ciidanka Minishiibiyada oo u dhaqma sidii maleeshiyaad oo kale oo xittaa haddii canshuurta la siiyo aanan dhiibeyn warqad cadeynaysa inay qaateen canshuurtaasi oo guriga dhismaha ka socdo mar kale askari aanu imaan karin.

“Ciidamada Minishiibiyada walaalow dhibaato ayeey nagu haayaan, sababtoo ah albaabka gurigaaga haddii uu gees ka jabo ma dhisan kartid, guriga ma rinjiyeen kartid, askari ayaa kuu imaanaayo lacag ayaad siinaysa, wuu kaa tagayaa mid kale ayaa kuu imaanaayo, wey isku sheeg sheegayaan, maalintii 10 askari ayaad ku qasbanaanaysa inaad lacag siisid, mana awoodno taas.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka ku nool Muqdisho.

Ninkaan muujiyay cabashada ay ka qabaan ciidamada Minishiibiyada ayaa intaasi wuxuu hadalkiisa ku daray “Xilliyada qaar danta waxa ay kugu kalifaysa gurigaaga oo gees ka dunsan inaadanba dhisan, adiga oo ka walaacsan qarashka faraha badan ee kaaga baxaya ciidamada Minishiibiyada, xittaa nidaam ma ogala oo lacagta qaata warqada cadeynta keena waa ay diidayaan.

Ciidamada Minishiibiyada ayaa caqabad weyn ku ah Bilicda Magaalada Muqdisho oo haddii dadka aysan ciidankaasi ka walaacsaneyn qof kasta gurigiisa ayuu si qurux badan u dayactiran lahaa, iyadoo aaney jirin walaac badan oo ciidamada ay ka qabaan.

Ka sokow guryaha ay dhibaatada ku hayaan iyo goobaha ganacsiga waxaa intaasi sii dheer inay dhibaato ku hayaan dhalinyarada shaqo abuurka ka sameysatay Magaalada Muqdisho oo Mootooyinka Bajaajta wata, kuwaasi oo inta ay qabtaan ka qaata lacag aanan sharci aheyn oo u muuqata inay tahay mid baad ah.

Maamulka Gobolka Banaadir oo ay hoostagaan ciidamada Minishiibiyada ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabtaan arimaha ku aadan tacadiga ciidamadan ay u gaystaan dadka shacabka ah ee Muqdisho ku nool.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News