29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Wararkii ugu dambeeyey shirka golaha amniga qaranka ee ka socda Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saakay magaalada Muqdisho dib ugu bilowday shirka golaha amniga qaranka oo iyadoo shirka ay u dhan yihiin madaxda dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ee horay ugu qeybgalay furitaankiisa.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa shirku uu ku jiray hakad, waxaana la filayaa in maanta go’aano isla gaaraan madaxda oo lasoo gabagabeeyo.

SHirkaan oo qodobada qaar la isku haayo ayaa madaxda ka qeybgaleyso qaarkood ay dowladda federaalka soo qordhigeen qodobo dowladda u aragto mid dib u dhigaayo hannaanka dowladdnimo, waxaana ka mid ah qodobadaasi in madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu soo deejiyay in dhismaha ciidamada qaran lagu saleeyo hannaanka qabiliga ku saleysan ee 4.5, maadaama ciidamada ka kala imaanaya maamulada Banaadir, Hirshabeelle iyo Galmudug yihiin hal dhinac.

Waxaa kaloo madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay soo jeediyeen go’aanka dowladda dhexdhexaadnimada ugu qaadatay arrimaha Khaliijka in laga noqdo oo la taageero xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka oo gacansaar la leh maamuladaasi.

Madxda maamul goboleedyada ayaa ku doodaya in talo laga siiyo go’aanada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama dalku uu yahay nidaam federalsim ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News