Muqdisho: Ciidanka NISA iyo militariga oo dagaalamay iyo shan askari oo gacanta…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Nabad Suggida ayaa gacanta ku dhigay Shan nin oo ka tirsan ciidamada Militariga Somaliya, kadib markii iska hor imaad uu ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Maamulka Degmadaasi.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidanka NISA ay ku baxeen raggan ciidanka Militariga ka tirsan oo doonayay handadaad inay ku dhacaan nin iska leh milkiyada guri ku yaallo Degmada Waaberi.

Mudo kadib Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa u suurto gashay in ay gacanta ku dhigaan 5 ka mid ah Ciidamada Milateriga iyo hubkii y wateen halka mid ka mid ah uu baxsaday sida ay sheegeen Masuuliyiinta  Maamulka degmada Waaberi.

Wararka ayaa sheegaya in laba ka mid ah ciidamada Militariga ay ku dhaawacmeen iska hor imaadkaasi, halka saddexda kalena iyaga oo badqaba iyo hubkooda ciidanka ay gacanta ku hayaan.

Goobta iska hor imaadka uu ka dhacay oo ku dhaw nawaaxiga buundada ku aadan xarunta Degmada Waaberi ayaa waxaa goobtaasi tagay Gudoomiyaha Degmada Waaberi iyo Saraakiisha ciidamada.

Ciidankan Militariga ka tirsan ee la qabtay ayaa rabay inay qaab handadaad ah ku dhacaan nin shacab ah oo leh milkiyada guri ku yaallo Degmada Waaberi, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha ciidamada NISA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com