Madaxdii hore ee Dalka oo loo qabtay Waqti ay ku soo celinayaan Hantida Qaranka. “War-saxaafadeed”

Muqidsho (Caasimada Online) Golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulan xasaasi ah ku yeeshay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka oo ah mid toddobaadle ah waxa shir guddoominaayay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon wax yaabaha looga hadlay waxa ka mid ahaa ammaanka iyo qabsashadii magaalada Jowhar ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Kulanka oo ay Saxaafadda Bannaanka ka joogtay ayaa aakhirkii waxa laga soo saaray qoddobada soo socda:-

Ugu horreyn waxa shirka warbixin ku aadan guullaha ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka gaareen howlgallada iyo heshiiskii dhanka Gaashaandhigga ee Turkiga iyo Soomaaliya looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo isagu labadaasi qodob Golaha Wasiirrada faah faahin ka siiyey.

Golaha Wasiirrada ayaa waxa ay markaasi kadib meel mariyeen oo ay ansixiyeen heshiisyadii ay soo kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga ayadoo heshiisyadaasina uu horey usoo saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud hadana waxaa loo gudbin doonaa Baarlamaanka maadaama ay Golaha Wasiirrada maanta meel mariyeen.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Golaha Wasiirrada ay sidoo kale ka hadleen in hantidii Qaranka lagasoo celiyo dadkii xilalka soo qabtay waxaana loo qabtay mudo ku eg inta ka harsan sanadka cusub ayadoo sidoo kalena ay Golaha Wasiirradu ka hadleen sidii loosoo celin lahaa hantida Dowladdii dhexe ee Dibadda taasi oo iyana loo saaray gudi uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda,Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa sidoo kale tilmaamay in Golaha Wasiirradu ay ka hadleen sidii loo hormarin lahaa Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed taasi oo Golaha Wasiirradu ay isku raaceen in la qaado talaab walbo oo lagu hormarin karo waxbarashada Dalkeenna.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho