Xildhibaano dagaal ku haya Muqdisho oo diyaariyey shirqool ujeedku yahay..

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay Magaalada ugu ayaanka daran caalamka, arrintaas oo ay sabab u tahay magaalada oo noqotay caasimad mudo dheer dagaalo sokeeye ka jireen.

Dagaalada sokeeye kadib oo dawlad Soomaaliyeed dhalatayna fadhi u noqotay Dawlad Soomaaliyeed oo Magac u yaal ah oo aan Soomaaliya xukumin, balse culeys uun ku saa’idisay caasimada Muqdisho.

Muqdisho waa Caasimaddii Dalka, waa Fadhiga Dawlada Federaalka Soomaaliya, Waxaa Fadhiista Baarlamaanka ka Kooban 275-ka Xildhibaan, Golaha Wasiirada iyo Dhamaan Laamaha Dawladda Federaalka Soomaaliya. Baarlamaanka Soomaaliya oo fadhigiisu yahay Xamar kama hadlaan xusuuqda dadka Xamar, kama hadlaan horumarinta Muqdisho.

Inkastoo Dalka Soomaaliya uu leeyahay 4 Dekadood, Garoomo kala Duwan oo Caalami ah, Dawladda Soomaaliya waxaa ay maamushaa oo Kaliya Magaalada Muqdisho, Miisaaniyada Dawladda ee haatan Baarlamaanka hortaal oo ah lacag ka badan 280 Milyan oo Doolar waxaa ay ka imaanaysaa Canshuurta Dekeda iyo Garoonka, Haatan waxaa la bilaabayaa oo golaha wasiirada ansixiyeen, miisaaniyada Dawladdana qeyb ka ah Canshuurta Beriga, Dhamaan Miisaaniyada Dawladda waxaa ay ka imaanaysaa Magaalada Muqdisho, Mushaarka Baarlamaanka, Golaha Wasiirada, Laamaha kala duwan Dawladda waxaa laga bixinayaa Canshuurta beriga, Dekedda iyo Garoonka Muqdisho.

Xildhibaanada Soomaaliya oo ah 275 iyo xukuumada oo ka soo jeeda 5-ta beelood oo Soomaalidu wax ku qeybsato waxaa ay ka kala yimaadeen 18-ka Gobol ee Soomaaliya. Xildhibaanadaan weligood kama hadlin maadaama ay metelaan dhamaan Soomaaliya in Dhaqaalaha Dekedaha Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera lagu soo daro Miisaaniyada Dawladda, arintaas Caalamku gacan ka siiyo, maadaama aysan suuragal ahayn in Muqdisho Kaliya Soomaalidu shirko ku noqoto.

Muqdisho, waxaa ay u baahan tahay in horumarkeeda laga fikiro oo jidadka iyo iskuulaad loo sameeyo, in ciidan ammaan loo sameeyo, caasimadu waxaa ay u baahan tahay inta ay u baahan yihiin magaalooyinka kale ee dalka oo Dekedaha iyo Garoomada ku yaaliin sida Berbera, Hargaysa, Boosaaso, Garoowe iyo Kismaayo.

Ayaan darada Muqdisho ku dhacday waxaa ka mid ah inay fadhi u noqotay 275 Xildhibaan oo inta badan aan danaheeda iyo horumarkeeda ka fikireyn, waa Caasimada dalka oo Dhaqaalaha ka soo xarooda ay mushaar u qaataan xildhibaanadu, Golaha wasiirada iyo laamaha Dawladda dhamaan waxaa lagu maal geliyaa dhaqaalaha Dekeda, garoonka iyo ganacsatada Muqdisho laga qaado, sidaas oo ay tahay weligeed lama maqlin xildhibaanada oo ka hadlaaya in jidadka xamar burbursan la sameeyo, magaalada koronto lageliyo.

Maalmahaan Fadhiga Baarlamaanka waxaa ka billawday Dood ku saabsan Miisaaniyada Dawladda oo Xildhibaanada qaar lee yihiin waa in Lacagta miisaaniyada la gaarsiiyaa dhamaan gobolada Dalka, Xildhibaanadaan isma weydiinin Miisaaniyadaan iyaga laga biilo oo halka Magaalo laga qaado Soomaaliya oo dhan miyaa la gaarsiinayaa gobolada Dalka?

Xildhibaanada 275-ta ka kooban oo noqday caqabad in Soomaaliya Dawladnimadeedu shaqeyso ayaa doonaya in dhaqaalaha Dekeda, Garoonka iyo ganacsatada Muqdisho laga qaado in loo qeybiyo 18-ka gobol Soomaaliya, Xildhibaanadaan caqabada ku noqday Muqdisho iyo Soomaaliya inay dawlad shaqeynaysa yeelato ayaa qaarkood kasoo jeeda Maamulada Puntland, Maamulka KMG ah ee Juba, Xildhibaanadaan waxaa Mushaar labaad ka qaataan Maamulada ay difaacayaan in dhaqaalaha Dekedaha iyo Garoonada ay Maamulaan aan Dawlada Federaalku lug ku yeelan, Xildhibaanadaani waxaa ay xaqiijiyeen sanadihii lasoo dhaafay in Magaalada Muqdisho culeys la saaro, dhaqaalaha Muqdishana Dawladda Federaalku Maamusho.

Ma cadaalad baa in Dawladda Soomaaliya Wasaaradeeda maaliyada Baarlamaanka horkeento Miisaaniyad laga qaadayo Hal Magaalo iyo Hal shacab, balse Dawladda Federaalka oo Soomaalidu ku dhan tahayna ay maamulayso, Wasiirka Maaliyda Soomaaliya Xuseen Cabdi Xalane wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii geed dheer iyo mid gaabanba u koray In Maamulka KMG ah ee Jubba la sameeyo, Dawladda Soomaaliyana aqoonsato, Wasiirka oo qaraabo dhow la ah hogaamiyaha Maamulka KMG ah ee Juba Ahmed Madoobe, Miisaaniyada Dawladda kuma soo darin dhaqaalaha kasoo xaroonaya Dekeda Kismaayo!

Ayaandarada ku dhacday Muqdisho waxaa weeye inay fadhi u noqotay dawlad Federaal KMG ah oo uun magac ahaan u jirta laakiin aan si dhab ah u shaqeynin, Dawladaas oo Baarlamaankeeda iyo Wasiiradeedu wadaniyadu ku yar tahay, xubnahaan oo magaalada usoo shaqo tagay, Magaalada culeys ku ah, Magaalada Muqdisho dhaqaalaheeda inay qaataan u yimid,

Baarlamaanka iyo Xukuumada Soomaaliya ebid kama hadlin maadaama Dalku federal yahay sida dhaqaalaha Dalka loo qeybsanayo, Federaalka Soomaaliya laga hergelinayo nooca uu yahay, Waxyaabaha Dawladda Federaalku maamuleyso iyo waxyaabaha Maamulada Goboladu Maamulayaan! Sida haatan Federaalka la sheegay u shaqeynayo ma tahay sidii lagu gaari lahaa Dawlad Soomaaliyeed oo shaqeysa!

Soomaaliya Ma federal Baa ka jira mise Muqdisho uun ayaa Federaal lagu yahay!

Ma Miisaaniyad Qaranbaa mise waa Canshuurtii Xamar oo Federaal lagu magacaabay!

Inteebey sii socon kartaa in Muqdisho Marti geliso Xildhibaan Cansuurta Muqdisho lagu biilo balse ka shaqeynaya Baabi’inta Muqdisho!

Xildhibaanadu ha ogaadeen in Soomaaliya xildhibaano u yihiin oo ay metelaan Soomaaliya, waa in doodoodu ku salaysnaataa sidii lagu gaari lahaa sidii dawladda Federaalka u gaari lahayd dhammaan Dalka Soomaaliya, Canshuuraha Dalka dhamaan hal meel ugu dhici lahaayeen, Horumarna dhamaan dalka loo gaarsiin lahaa.

Akhristoow ogsoonow dhaqaalaha Caalamku ugu deeqo Soomaaliya oo kor u dhaafaya sanadkii sida la sheego dhaqaalo ka badan halka Bilyan oo Doolar inaan lasoo marsiin dawlada federaalka Soomaaliya, Muqdisho iyo Koofurta Soomaaliyana ay kasoo gaarto wax aad u yar, marka la fiiriyo dhaqaalaha la siiyo Somaliland iyo Puntland.

Waxaa intaan oo idil kasii darran in dadka u dhashay Muqdisho ee xildhibaannada ah, ee madaxweynaha ah inaanay lahayn caqli ku filan, maskax fikirta, uma damqadaan magaaladan, kama naxaan, uma doodaan dadkooda iyo deegaankooda. Waxaa cad in Muqdisho ay tahay magaalada kaliya ee aan cidna u matalin baarlamanka, maadaama kuwa matala ay yihiin sida dhagxaan meel la dhiggay.

Haddaad rabto dheh kuwa qoro Caasimada Online waxa ay ku waasheen Muqdisho, laaakiin waxaan ka hadleynaa oo kaliya caddaalad. Caddaaladdu waa in aan wax walba wadaagnaa ama aynaan waxba wadaagin. In Muqdisho shirko lagu noqdo, magaalooyinka kalena gaar loo lee yahay caddaalad maaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho