Muqdisho Magaalo Qaran oo aan Mudnaan lasiin. “Sababta Aqri”

Caasimadda dalkeenna Somalia ee Muqdisho, ayaa lagu tilmaami karaa inay ka mid ahayd Magaallooyinka Caalamka kuwa ugu Nabdoonaa, inkastoo 21-sanno ee ugu dambeysay ka mid noqotay Magaallooyinka ugu amni-daran Caalamka.

Qaddar Rabbi ka sokow, waxaa sababay inay Magaalladda Muqdisho noqoto magaallo Colaadeed, kadib, markii ay Dowladdii Dhexe ee Kacaanka burburtay bilowgii sannadkii 1991-kii.

Burburkaasi ayaa waxa uu sababay inay dillaacaan Dagallo-sokeeye, kuwo Siyaasadeed iyo kuwo Shaar-diimeed la huwiyey, iyadoo dhamacda colaadaha ay saamayn buuxda ku yeelatay Midnimadda Qaranka iyo Mustaqbalka Muwaadiniinta Somalia oo iyagu haatan badankooda wehel u noqday colaado, faqri, cudduro iyo barakac gudaha ilaa Dibedda ah.

Haddaba, Xilligan oo ay Saansaan Nabadeed iyo mid Dowladnimo muuqdaan, ayaa waxaa loo baahan yahay in dib loo dhowro Sharafta iyo Xuquuqda ay Caasimadda Muqdisho lahayd.

DFKMGS iyo guud ahaan Ummadda Soomaalida ee ku dhaqan gudaha iyo daafaha magaalladda Muqdisho ayaa laga sugayaa inay iska kaashadaan Dib-u-soo-nooleynta Nabadda iyo Bilicda Muqdisho, si ay taasi dhabaha ugu xaarto in la dhiso Maamul u gaar ah Caasimadda oo ka madax-bannaan Maamul-gobaleedyadda haatan la dhidbayo amaba kuwa horey loo dhidbay.

Haddaba, marka aad eegto Ololaha Siyaasadeed ee loogu tartamayo Dhismaha Maamul-gobaleedyadda, waxaad ka dareemi kartaa inaysan jirin Hadaf lagu badbaadinayo Maamulka Muqdisho ee Mustaqbalka lagu hagi doono.

Siyaasiyiin, Odayaal-dhaqameedyo iyo xubno ka tirsan Jaalliyadaha Soomaalida ee Dibedaha ku nool ayaa u xusul-duubaya inay afduub ku sameeyaan Nidaamka Maamul ee Gobalka Banaadir, kuwaasi oo durbadiiba soo bandhigay Maamul-u-yaallo ay ku asteynayaan Maamul-u-samaynta Magaalladda Muqdisho.

U-xusul-duubka noocaasi ah waxa uu horseedi karaa inay Beelo Khaas ah sheeegtaan Magaalladda Muqdisho, oo ay xaqiiq ahaan wada deggan yihiin Aqlabiyadda Beelaha Somaliweyn.

Waana ayaan-xumo inay jiraan Qabaa’illo, Siyaasiyiin iyo Shaqsiyaad ku naalloonaya inay Xuquuqda Caasimadda Muqdisho ka dhigaan Dhaxal-beeled aan lagu xad-dudbi karin, xilli ay Caasimadaha Caalamka yihiin kuwo loo dhan yahay oo aan Beelo Khaas ah loo dhaxal-siin karin.

Muwaadin kasta oo Soomaali, Waddani dhab ah waxaa la gudboon inay ka fekeraan Mustaqbalka Maamulka Magaalladda Muqdisho, isla markaana olole ballaaran loo galo sidii lagu dabar jari lahaa Aragtiyaha Dhaxalka Beelaha ee ay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Danastayaasha iyo Odayaasha Dhaqanka hpor-boodayaan.

Aragtideenna Qaran ha ahaato in la dhiso Maamul u gaar ah Magaalladda Muqdisho, oo aan lagu lammaaninin Maamul-gobaleedyadda loo dhidbayo sidii midnumadda Qaranka Somalia lagu kala dhantaali lahaa.

Hal-ku-dhegga Ummadda Soomaalida ee deggan gudaha iyo daadfaha Muqdisho ha garwaaqsadaan inay Magaalladda Muqdisho tahay Magaal Qaran oo ka madax-bannaan Maamul-gobaleedyadda haatan u faxasayo Axdi-qarameedka KMG ee Nidaamka Federalka dhabaha u xaarayo.

W/Q. Wariye Anwar Bakhiit
Magaallada Jabouti
Email: wararka@live.se