Arsenal oo heshiis la gaartay shan ka mid ah ciyaartoydeeda.

Jack Wilshere, Alex Oxlade-Chamberlain iyo Aaron Ramsey ayaa ka mid ah shan ciyaryahan oo Arsenal u saxiixay heshiisyo waqti dheer ah iyadoo ujeedada Arsene Wenger ay tahay inuu kooxda ku dhiso ciyaartoyda da’yarka ah ee dalka Britain.

Sedaxda ciyaaryahan ee Gunners ayaa dhamaantood mustaqbalkooda u hibeeyey kooxda Waqooyiga London iyagoo saxiixay heshiisyo cusub, Kieran Gibbs iyo Carl Jenkinson ayaana u waafaqay labo ciyaaryahan oo kale inay kooxda qandaraaska u dheereeyaan.

Ciyaartoyda da’yarka ah ayaa kooxda Premier League isu geyn u saftay 350 kulan, Wilshere ayaana si gaar ah loogu qiimeynayaa kabtanka mustaqbalka koxda.

Wenger ayaa daaha ka qaaday heshiisyadaan cusub inay qeyb ka yihiin qorshihiisa dheer ee uu kooxda ku dhisayo, wuxuuna sidoo kale sheegay inay ciyaartoyda British-ka ah kooxda caawin doonaan mustaqbalka.

Dhamaan shantaan ciyaaryahan ee qandaraasyada cusub u saxiixay kooxda ayaa u saftay qaramadooda, Ramsey ayaa xulkiisa Wales u saftay 24 kulan, halka ciyaartoyda kale ay England u safteen.