Muqdisho: Nin hubeysan oo si arxan darro ah u dilay gabar ay kala tageen

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxaa shalay gelinkii dambe abaare 5:30 ka dhacay dhacdo xanuun badan, kadib markii nin hubeysan uu Toorey ku dilay gabar ay kala tageen oo daganeyd xaafadda Siliga Ameerikaanka.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Zamzam Cabdiwaaxid Daahir, waxaana ninka dilay ay ka diiday inay isku laabtaan, sida uu warbaahinta uu sheegay Aabaheed, Cabdiwaaxid Daahir Geelle.

Sidoo kale Amran Abshir Cabdi oo ay dhashay marxuumadda ayaa sheegtay in ninka dilka geystay markii hore loo diiday inuu gudaha u soo galo guriga, balse uu soo jabiyey albaabada, kadibna uu hooyada Mindi kaga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

“Marka hore inuu guriga soo galo ayaa loo diiday ninka dilka geystay, basle Aabaabda ayuu soo jebiyay, kadibna waxaa uu afka ka qabtay hooyadey oo fadhida guriga dhexdiisa, isaga oo markii dambe toorey qeybaha sare ee jirka ugu dhuftay Hooyo, anigana waan kasoo cararay goobta.” ayay tiri Amran Abshir Cabdi oo 8 sano jir ah.

Wararka ayaa sheegaya in markii dambe gacanta lagu soo dhigay eedeysanaha oo isku dayey inuu goobta ka baxsado.

Allaha u naxariistee marxuumad Zamzam oo 29 jir aheyd ayaa ifka uga tegtay labo caruur ah, iyada oo ninka dilay ay dhowaan kala tageen.

Laamaha ammaanka oo la wareegay kiiskaasi ayaa sidoo kale haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo badanayey falalka argagaxa leh ee ka dhex-dhacaya qoysaska Soomaaliyeed iyo bulshada dhexdeeda.