QM oo shaacisay in DF ‘ay dib uga guraneyso’ arrin ay horey u ballan-qaaday

Geneva (Caasimada Online) – Baaraha guud ee Xuquuqda Aadanaha ee QM ayaa walaac ka muujisay dib u garasho ay sheegtay in mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ka muujinayaan u hoggaansamidda xeerarka caalamiga ah ee QM.

Walaacan ayaa waxaa lagu muujiyey warbixin ay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM u gudbiyey khabiirka madaxa banaan ee QM ee xaalada xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Isha Dyfan waxaa loo magacaabay khabiirka madax-bannaan ee arrimaha Soomaaliya ah bishii Maarso, xilligaas oo uu socday COVID-19, taasi oo ka hor-istaagtay inay tagto Soomaaliya.

Waxay sheegtay in macluumaad laga soo ururiyey Soomaaliya uu muujinayo in mas’uuliyiinta Soomaalida ay dib uga laabanayaan ballan-qaadyadii ahaa inay ilaaliyaan xuquuqda dhaqaale, bulsho iyo dhaqan ee dadka Soomaaliyeed.

Waxay qirtay in iska hor-imaadyada hubeysan ee dalka iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimada ay uga sii dareen COVID-19 iyo ayaxa ku habsaday gobollo dalka ka mid ah.

“Waxaa jiray warbixino ku saabsan weerarada ka dhanka ah daryeelayaasha caafimaadka iyo shaqaalaha gargaarka, adeegsiga xad dhaafka ah ee awoodda ee hay’adaha sharci fulinta, taasi oo keentay dhimashada dadka rayidka ah, xadgudubyada xuquuqda xorriyadda hadalka iyo ra’yiga, iyo kororka rabshadaha galmada iyo jinsiga ku saleysan iyo dad lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan,” ayey tiri.

Dyfan waxay sheegtay inay si gaar ah u dhibsanayso habab soo jireen ah oo qoto dheer oo cuqdad, takoor iyo rabshado maalin leh loola beegsado haweenka iyo gabdhaha.

“Waxaan maqlayaa dhacdooyinka kufsiga iyo noocyada kale ee tacadiyada galmada ee lagula kaco haweenka, gabdhaha iyo wiilasha, taas oo inta badan ku dhacda ciqaab la’aan, kuna qasbaya dhibbanayaasha iyo qoysaskooda inay u weecdaan dariiqyo kale, oo umuuqda inay yihiin cadaalad laakiin dhab ahaantii sii wad hurinta rabshadaha,” ayey tiri Dyfan.

Safiirka Soomaaliya ee Switzerland iyo Austria Ebyan Maxamed Saalax ayaa sheegtay in dowladeeda aysan rumeysneyn in ay macquul tahay in nabad iyo amni la gaaro iyadoo aan la ilaalin xuquuqda aadanaha.

Waxay sheegtay in Soomaaliya ay qaadatay hanaan xuquuqul insaan ku saleysan ayna sameysay hay’ado joojinaya isla xisaabtan la’aanta iyo isku dhacyada rabshadaha wata, iyo in la hubiyo xuquuqda iyo xorriyadaha dadka.