Daawo: Trump oo qaaday tallaabo lama filaan ah iyo xaaladiisa oo laga deyriyey

Washington (Caasimada Online) – Dhaqaatiirta madaxweyne Donald Trump ka daweynaya cudurka Coronavirus ayaa warar is khilaafsan ka bixiyey xaaladdiisa, saacado ka hor inta aanu Trump qaadin tallaabo lama filaan ah oo uu kaga soo baxay isbitalka.

Trump oo 74 jir ah ayaa xirtay maaskaro, wuxuuna si lama filaan ah ugu yimid boqolaal taageerayaashiisa ah oo dhooban dibedda iyo waddooyinka ku dhow isbitaalka Walter Reed ee lagu daweynayo.

Waxay ahayd socdaalkii ugu horreeyey ee Trump uu sameeyo tan iyo habenekii Jimcaha, markaasi oo la dhigay isbitalka.

“Waxa uu ahaa socdaal xiiso leh, wax badan ayaan ka bartay cudurka Coronavirus,” ayuu Trump ku yiri muuqaal uu soo dhigay twitter-ka.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in xaaladda Trump ay kasoo rayneyso, inkasta oo ay sheegeen inay isha ku hayaan xaaladda sambabadiisa kadib markii lagu xiray oksajiin. Waxay sheegeen in lagu celin karo Aqalka Cad Isniinta.

Hase yeeshee Dr. Sean Conley ayaa sheegay in xaaladda madaxweyne Trump ay ka xun tahay sidii uu marka hore sheegay. Conley waxa uu sheegay in heerka oksajiinta Trump ay hoos u dhacday, ayna asiibtay qandho xoogan Jimcihii.

Mar waxa laga weydiiyey xaaladda sambabada Trump, Conley waxa uu sheegay in weli aanay ka muuqaan astaamo laga walaaco.

Dhaqaatiir madax-banaan ayaa sheegay in dawada la siiyey Trump ay muujineyso xaaladdiisa ay halis tahay. Trump ayaa la siiyey dawada dexmethasone, oo loo isticmaalo kiisaska daran ee cudurka Coronavirus.