Abshir Suubow oo maanta lagu dilay degmada Balcad

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda wiil dhalinyaro ahaa ugu geystay degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Abshir Suubow, wuxuuna ka mid ahaa dhalinyarada ku dhaqan gudaha degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu ka dhacay goob ganacsi oo uu marxuumka ku sugnaa oo ku taalla bartamaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in dilka uu yimid, kadib markii ay xabad kaga fakatay marxuumka askari ka tirsan ciidamada ammaanka oo la qabtay.

Sidoo kale qaar ka mid ah ehellada ayaa walaac xoogan ka muujiyey dilka wiilkooda, waxaana ay dalbadeen in cadaaladda la horkeeno askarigii ka dambeeyey falkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa dilal u geysta dadka rayidka ah ee ku sugan deegaanada ay ka howl-galaan ee koonfurta & bartamaha dalka, kuwaas oo ku yimaada siyaabooyin kala duwan.