Muqdisho oo billowday olole lagu bixin doono abaal marin lacageed oo gaareysa illaa 15 kun oo dollar

Qashinka buux dhaafiyay xaafadaha Muqdisho ayaa sii yaraanaya taa oo looga mahdinayo ololaha nadaafadeed ee ay ku dhawaaqday xukuumadda Soomaaliya ayna dhaqan-galinayaan muwaadiniin is-xil-qaamay.

Ololaha ayaa bilowday 26-kii January, waxa uuna socon doonaa hal todobaad, ama ka badan haddii loo baahdo, si loo qurxiyo loona nadiifiyo 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Is-xil-qaamayaasha ayaa sheegaya in ayasan shaqadooda ku doonayn abaal-marin, laakiin si arrinka xallad loogu yeelo, xukuumadda Soomaaliya ayaa lacag caddaan ah ugu yaboohaysa degmooyinka gala kaalimaha hore ee nadaafadda.

“Waxaan ku bixin doonnaa abaal-marin degmooyinkii kaalimaha hore ka gala tartanka nadaafadda Muqdisho,” ayuu yiri Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon 21-kii January. “Degmada guulaysata waxa ay heli doontaa $15,000 oo doollar, tan labaad $10,00, halka tan seddexaadna ay heli doonto $5,000.”

Dowladda federaalka ah ma aanay sheegin shuruudaha lagu xulanayo kuwa guulaysta marka uu ololaha dhammaado Jimcaha (1-da February), ama haddii loo baahanyahay in degmada guulaysata ay lacagta ku kharasha garaynayso mashruuc mucayan ah.

Agaasimaha waaxda fayadhowrka gobolka Banaadir Xuseen Warsame Abtidoon ayaa sheegay in howlaha nadaafadda ay si wanaagsan u socdaan, iyadoo 200 oo qof oo is-xil-qaame ay ka qeyb qaadanayaan degmo walba.

“Waxaannu doonaynaa in aan ololaha nadaafadda ku dhameystirno todobaad gudihii, balse waqtiga waa la kordhinayaa haddii ay lagama maarmaan noqoto si Muqdisho looga dhigo magaalo nadiif ah oo faya qabta,” ayuu yiri

Abtidoon ayaa sheegay in ololaha uu isbedel weyn ka sameyn doono xaaladda fayadhowrka ee Muqdisho, uuna ku rajo waynyahay in uu soo celiyo bilicdii magaalada.

Degmooyinka oo u baratamaya abaal marinta koowaad

Cumar Cabdule Cusmaan, oo ah guddoomiyaha degmada Heliwaa, ayaa sheegay in nadaafadda ay si wanaagsan uga socoto aaggiisa.

“Waxaan ku rajo waynahay in degmadayda ay guulaysan doonto maxaa yeelay waxaannu samaynaynaa dadaal dheeri ah si aan u hagaajino nadaafadda guud ee degmada Hiliwaa,” ayuu yiri. “Haddii aan ku guuleysano tartankan waxaan u balan-qaadaya in lacagta abaal-marinta ahi ay tahay mid go’aankeedu leeyihiin dhammaanka dadkii u guntaday howsha nadaafadda ah.”

Deeqa Cabduqaadir, oo ah guddomiyaha degmada Warta Nabadda, oo markii hore loo aqoon jiray Wardhiiglay, ayaa sheegtay in 200 ee iskood wax u qabsadayaasha nadiifinaya degmada aanay filaynin in lagu abaal-mariyo dadaalkooda. Saas ooy tahayna, waxa ay wali ku rajo wayntahay in ay guulaysanayaan.

“Waan ku hanweynnahay in degmada Warta Nabadda ay noqon doonto tan kaalinta koowaad ka gasha tartanka ololaha usbuuca nadaafadda ee Muqdisho,” ayay tiri. “Si adag ayaannu u shaqeyn doonnaa si aan u guulaysanno.”

Iskood wax u qabsadayaasha ragga iyo dumarka ah ee ka qeyb qaadanaya ololaha todobaadka soconaya waxaa soo xulay odayaasha xaafad walba, sida ay sheegayaan guddoomiyayaasha degmooyinka. Iskood wax u qabsadayaasha waxa ay shaqaynayaan laga bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo maalin walba, iyadoo xaafad walba loo diro 15 ilaa 20 qof.

ICusmaan Cabdi, oo ah 36-jir kana mida mutawiciinta ayaa sheegay in uu doonayo in uu qeyb ka noqdo dadaallada nadaafadda loogu soo celinayo Muqdisho, gaar ahaan degmada Warta Nabadda oo uu ku noolyahay.

“Qof lacag nagu siiya ma jiro howshan nadaafadda ah ee aan wadno,” ayuu u sheegay Sabhi. “Waxaanu rabnaa in aan hagaajino nadaafadda degmadeena, kaas oo wax weyn katari doona nolasheenna waayo horey ayaa loo yiri ‘inta uu qashinka kuu jiro ayuu cudurkuna kuu jiraa’.”

Dr. Axmed Maxamed Sheekh, oo ku takhasusay caafimaadka guud, ayaa sheegay in ololaha nadaafadda uu yahay mid yar balse uu bilow muhiim ah u yahay caasimadda.

Waxa uu sheegay in Muqdisho ay u baahantahay olole nadaafadeed oo ballaaran maxaa yeelay majirto cid u istaagtay in ay nadiifiso magaalada 20 sano. “Todobaad kuma filna in lagu nadiifiyo Muqdisho, waana in si joogto ah loo qorsheeyaa,” ayuu sheegay.

“Waxaan aaminsanahay in dhibaatada ugu weyn ee ina haysata ay tahay nadaafadda xumida ka jirta waddanka oo dhan,” ayuu yiri. “Waxaan ka rajaynaynaa maamulka cusubi in uu la tacaalo dhibaatadaa.”

Isha: Sabahi Online