28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

MUQDISHO oo la isku heesto deegan degmada ay ka tirsan tahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Lafoole (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacay dagaal u dhexeeya maamulada degmooyinka Deyniile iyo Hodan.

Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah dagaalka ayaa waxaa uu ka dhashay deegan lagu magacaabo Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo hadda si weyn loo degaayo kuna yaala agagaarka isgoyska Ex Control Afgooye.

Maamulka Degmada Deyniile ayaa gacanta ku dhigay baabuur iyo seddax qof oo ay ku jirto haweeney kuwaasoo ku andacoonayay in deegankan uu ka tirsan degmada Hodan.

Xaaladda deeganka lagu dagaalamay ayaa caawa kacsan waxaana ka taagan xiisad in kastoo ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Gobalka Banaadir loo diray deeganka.

Deegankan Tabeelaha Sheekh Ibraahim ayaa la degay markii ay dagaalada ka socdeen Muqdisho xilliyadii Ethiopia iyo Maxkamadihii ay dagaalami jireen.

Waxaana deggan hadda dad aad u badan kuwaasoo ay ku jiraan kuwa dhawaan laga soo barakiyay dhismooyinka dowladda ee magaalada.

Waa markii ugu horeysay oo maamulada labo degmo oo ku yaalla Muqdisho ay ku dagaalamaan deegan labadooda ay sheeganayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka  Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News