XAMAR oo maanta laga mamnuucay…

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada ammaanka ayaa magaalooyinka iyo Tuulooyinka ka mamnuucay in lala maro baabuurta aan sharciga lahayn iyo muraayadahooda ay beesalka yihiin ama ay madowyihiin.

Taliyaha ciidamada booliska, Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Ismaacil oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wareegto uu soo saaray isaga lagu mamnuucay in caasimada Muqdisho iyo degmooyinka kale ee dowladda gacanteeda ku jirta aan lagu wadi karin baabuur aan Taariko lahayd ama muraadiisa ay madow tahay.

Mar uu ka hadlaayay sababta arrintan loo sameeyay, wuxuu sheegay in baabuurta aan sharciga lahayn iyo kuwa madowga ah in ay u badan yihiin kuwa dambiyada lagu galo.

Taliyaha booliska ayaa sheegay in kiisaas badan oo dhacay in la ogaaday in lagu fuliyay baabuurta aan sharciga lahayn iyo kuwa muraayadahooda ay madowga yihiin.

Mar la weydiiyay in baabuurta muraayadaha madow ay badi ku socdaan xildhibaannada, saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha dowladda kuwaasoo ka cabsanaya in la bartilmaameesto, wuxuu sheegay in marka laga reebo baabuurta aan xabadda karin ee madaxda dowladda iyo wasiiradda ay wataan oo muraayadahooda ay yihiin kuwa ay ku yimaadeen iyagoo madow in kuwaasoo uusan amarka saameen doonin.

Taliyaha booliska wuxuu kaloo caddeeyay in isaga uusan wadan baabuur muraayadiisa ay madow tahay isla markaana xabadda karin “Baabuur caaddi ayaan wataa waadna arki kartiin” ayuu yiri.

Ciidamada ammaanka ayaa la arkayay iyagoo taagan waddooyinka caasimada Muqdisho isla markaana baabuurta muraayadaha madow ka fujinaya una sheegaya in la mamnuucay maanta wixii ka dambeeya baabuurta noocaas oo kale.

Arrintan ayaa ka dambeesa markii shaley magaalada Muqdisho lagu dilay labo sarkaal oo nabad sugida katirsan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com