Daawo shirkii jaraa’id ee Bare Hiiraale uu ku Weeraray Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah shir jaraa’id ku qabtay Korneel Barre Aadan Shire iyo wakiilkiisa u matalayay shirarka Kismaayo Cabdi Shiri Warsame waxaana ay ka hadleen arrimo dhowr ah.

Barre Hiiraale ayaa ugu horeen ka hadlay in shirkii dib u heshiisiinta ee la rabay in uu ka furmo Kismaayo uu dib u dhacay isla markaana maamulka kumeel gaarka ee Jubba uu wado arrin uu ku curyaaminaayo siddii uu hirgali lahaa shirkaas.

Barre Hiiraale ayaa ku baaqay in shirkaas aan la marin habaabin oo lagu wado sida la isku ogaa oo ahaa Addis Ababa, Muqdisho iyo Kismaayo.

Wuxuu tilmaamay in isaga iyo golle uu sameeyay ay qaateen nabadda oo ay ka doorbideen in la dagaallamo.

Mar uu ka hadlaayay shirka Kismaayo xilliga uu furmaayo wuxuu sheegay in shirkaas oo ay garwadeen ka tahay dowladda gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha in uu qabsoomayo 1-da bisha October, wixii kale uu yahay arrin marin habaabin ah.

Wuxuu sheegay haddii la qabto shir aan ahayn kii dowladda iyo beesha caalamka ay ogeyd ay qaadici doonaan.

Ma cadda wax yaabaha keenay in uu Barre Hiiraale hadalkan uu sheego iyadoo dhawaan magaalada Kismaayo ay kulmeen Barre Hiiraale iyo Axmed Madoobe.


Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com