War naxdin leh oo laga soo sheegayo muhaajiriin Soomaali ah oo u safray…

Malta (Caasimada Online) – Afhayeen u hadlay Ciiddanka Badda ee Libya ayaa sheegay in dooni ay la socdeen ilaa 250-Muhaajiriin Afrikaan oo doonayey ah shalay oo Axad ah ku degtay Xeebaha Libiya.

Muhaajiriintaasi ayaa ku haminayey inay safar-baddeedkaasi ku gaaraan Xeebaha dalalka Europe, gaar ahaan xeebaha dalka Talyaaniga, oo ay inta badan Tahriibayaasha kaga sii gudbaan dalalka kale ee Europe.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Ayuub Qaasim, waxa uu tilmaamay in ay doonidaasi ku degtay XeebTa Deegaanka Tajoora ee Bariga magaalladda Tripoli, wuxuuna xusay in la soo badbaadiyey 26-qof oo keliya oo ka mid ahaa Muhaajiriintii la socday doonidaasi.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan maydad badan oo dul-sabaynayo Badda, wuxuuna xusay inay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ku hawlan yihiin sidii loo heli lahaa dad kale oo ka badbaaday shilkaasi.

Dhinaca kale, in ka badan 100 Muhaajiriin Afrikaan oo ay Somali ku jireen ayaa bishii hore ku hafteen dooni ku degtay Xeebaha dalka Libya.

Dowladda Talyaaniga oo ay inta badan Muhaajiriinta doonyaha ku gaaraan xeebahooda ayaa toddobaadkan shaacisay inay in ka badan 100,000 oo Tahriibayaal shisheeye ah soo gaareen Xeebaha Talyaaniga sannadkan 2014-ka.

Xigasho: Reuters

Caasimada Online

Xafiiska Malta

Caasimada@live.com