Xog: Madoobe Nuunow oo madaxa ka ruxay codsiyo dhowra oo loo jeediyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed Somalia Madoobe Nuunoow Maxamed, ayaa la sheegayaa inuu weli ka dhaga adeegaayo Codsiyo ay u jeedinayaan Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka DF Jawaari, waxaana la Tilmaamayaa inuu ka madax adeegay codsigaasi.

Mid kamid ah Saraakiisha garabka Madoobe Nuunow ayaa inoo xaqiijiyay in Nuunow iyo Mas’uuliyiintaasi ay kuwada hadleen qadka Telka balse Nuunow uu ku adkeystay in shirkaasi uusan aheyn mid iyaga Khuseeya, isagoona sabab uga dhigay imaanshaha Ra’isulwasaare C/weli.

Shirka ayaa waxaa ka maqan sida Wararku sheegayaan Hogaamiyaha Maamulka Lixda Gobol ee Koofur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed iyo Xubnaha Maamulkiisa ka tirsan kuwaasi oo shirka uga maqnaa ka qeybgalka uu ka qeybgalay Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, Ugaas Xasan Cabdi Maxame oo ka mid ah Dhinacyada ka qeyb galaya Shirka dib u heshiisiinta Magaalada Baydhabo ka furmay ayaa sheegay in la wado Qorshe looga dhaadhicinayo Madoobe Nuunoow in uu Shirka ka qeyb galo, inkastoo uu sheegay inuu qaadacay Codsiyo ay u gudbiyeen Madaxda Dalka si meel leysugu keeno labada garab.

Maalinimadii Shalay ayay aheyd markii Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uu ka furmay Shir dib u heshiisiin ah oo loo qabtay Dadka Daga Gobolada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose, iyadoona uu Shirkaasi Furay Ra;iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya.

Shirka dib u heshiisiinta Magaalada Baydhabo ka Furmay ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 45-Cisho ah,waxaana ujeedkiisu uu yahay Nabadeeynta Dadka Daga Baay,Bakool iyo Shabellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com