Xog: Kismaayo oo laga soo sheegayo arrimo fool-xun (Warbixin xasaasi ah)

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo xog-Ogaal ka tirsan Odayaasha Kismaayo, ayaa inoo xaqiijiyay in Afhayeenka Maamulka  Jubaland C/naasir Seeraar uu halkaasi ka wado Siyaasado la sheegay inaysan u cuntameynin Odayaasha ka qeybgali doono Shirka ka furmaayo Magaalada Kismaayo.

Xogtu ayaa sheegeysa in Seeraar uu Hoggaamiyaha Raaskanbooni uu ku cadaadinaayo inaan loo joogsan go’aanada kasoo baxaayo Col. Barre Hiiraale, islamarkaana loo muujiyo inuusan dartii u joogsaneynin shirka.

Aweys xaaji Axmed oo kamid ah Odayaasha ayaa inoo sheegay in C/naasir Seeraar uu xiligaani ka shaqeynaayo dib ugu laabashada Khilaafaadka dhawaan laga soo gudbay waxa uun Tilmaamay in laga cabsi qabo inuu fashil ku imaado shirka waa haddii aan wax laga badalin Siyaasadaha  hoos ka socda.

‘’C/naasir Seeraar waxa uu Kismaayo la wareegayaa warar aan ka gadmeynin Beelaha ka qeybqaadanaaya shirka Dib u heshiisiinta, waxaa na soo gaaraya inuu leeyahay Barre Hiiraale waa laga maarmayaa haddii uu diido inuu kasoo qeybqaato shirka, taasi waxan u arkaa in la baadi goobayo qaabka uu ku fashilmi lahaa shirka’’

Haddalka Aweys xaaji, ayaa kusoo beegmaya xili Barre Hiiraale uu maalinimadii shalay daboolka ka qaaday inuusan ka qeybqaadan doonin shirka ka dhacaayo Magaalada Kismaayo oo uu ku sifeeyay inuu yahay mid aan xiligiisa la joogin wakhtigiisa.

Dhanka kale, ka hor inta uusan shirka furmin, ayaa waxaa soo ifbaxaaya warar sheegaya in Beelaha qaar loo diiday ka qeybgalka shirka, iyadoona iminka la soo warinaayo in Afhayeenka Maamulka Jubba uu ka shaqeynaayo kala irdhoobida Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com