MUQDISHO oo maanta dib looga furay xarun muhiim u ah bulshadda

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah looga dhawaaqay qorshe dib loogu furaayo maktabadii qaranka Soomaaliya, taasoo ku burburtay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Xaflad ka dhacday Hotelka Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa looga dhawaaqay arrintaas, waxaana shaaciyay machadka daraasaadka iyo siyaadda ee Heritage oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho.

Waxaa goobta laga sheegay Maktabada in ay hadda diyaar u yihiin 22-kun oo buugaa ah, kuwaasoo uu ku deeqay mudane ka tirsan Kongreska Maraykanka laguna magacaabo Keith Ellison.

Waxaa kaloo la sheegay in 60kun oo buugaag ah dhawaan ay ka imaan doonaan waddamada sida ay sheegeen mas’uuliyiinta machadka Heritage.

Ugu dambeyn waxaa goobta la sheegay in muddo lix bil ay qaadan doonto dhismaha maxktabada qaranka oo ka kooban seddax dabaq taasoona ku taalla agagaarka gurigga hooyinka.

Waxaa kaloo la shegeay in kharashka dhismaha ku bixi doono u gaarayo labo milyan oo dollar, waxaana laga rabaa ayaa la dhahay ganacsatada Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horreysay oo si rasmi ah loo sheego in la dhisaayo xaruntii maktabada qaranka oo marka la dhiso laga dhigi doono qaab Mobail ah ama maktabad guur-guurta.

Maktabadan ayaa noqon doonta maktabadii ugu weyneed ee laga furo dalka,marka laga reebo maktabooyin kale oo ku yaalla caasimada balse ay lee yihiin shaqsiyaad ama Jaamcado.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com