XOG : Ethiopia oo wada qorshe lagu duminaayo maamulka Axmed Madoobe

Addis Ababa (Caasimada Online) Dowladds Ethiopia ayaa la sheegay in wado qorshe ay ku dumineyso maamulka KMG ah ee Jubba oo uu hoggaamiyo ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Maxaa warkan ka cusub?

Warkan ayaa soo baxay markii la ogaaday in ay kulmeen Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegta in uu yahay guddoomiyaha maamulka Gobalka Gedo, Gen: Gabra iyo diplomaasiyiin ka socda safaarada Ethiopia ee Mudisho.

Maxaa looga hadlay kulanka?

Sida uu saxaafadda u sheegay Maxamed Cabdikaliil ayaa kulan la yeeshay Gen Gabra oo madax u ah ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya ku sugan iyo xubno ka socda safaarada Ethiopia ee Muqdisho.

Waxa ay ka hadleen in Kaliil uu hoggaamiye u noqdo maamulka Gobalka muddo labo sanno ah, isla markaana uu ka go’ maamulka Axmed Madoobe oo ka kooban seddax gobal oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Dhinacyadan kulmay ayaa sidoo kale ku heshiiyeeyay Axmed Madoobe in uusan soo faragelin karin maamulka gobolka Gedo muddada labada sanno ah.

Ma cadda warkan oo uu sheegay guddoomiyaha gobalka Gedo sida uu xaqiiqo u yahay, iyadoo maamulka KMG ah ee Axmed Madoobe uu ka kooban goballo seddax ah.

Dhawaan magaalada Baydhabo waxaa tagay Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan iyo ergo ka socota gobalka Gedo kuwaasoo ku biiray shirka maamulka cusub loogu sameenaayo gobalada Koonfur Galbeed.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa bishii September waxa ay magaalada Addis Ababa kula heshiiyeen dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaana heshiiskaas garwadeen ka ahaa wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia Tedros Adhanom.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com