Qofkii seddaxaad oo Soomaali ah ayaa lagu dilay Koonfurta Sudan (Warbixin)

Juba (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Suudaan ayaa sheegaya in halkaas maanta lagu dilay nin Soomaali ah.

Goobjooge deggan Juba ayaa Caasimada Online u sheegay ninkan la dilay in uu la socday baabuur booyad ah oo shidaal waday, waxaana lagu dilay magaalada Bor ee caasimadda gobolka Jonglei oo ah meelaha ugu badan oo ay ks socdaan dagaakada Koonufurta Suudaan.

Wuxuu tilmaamay in ninkan Soomaaliga iyo kuwa kale Afrikan la dilay markii la dhacay baabuurkii ay la socdeen.

Goobjoogaha noo warrmay ayaa xusay in laga yabaabo in tirada dhimashada Soomaalida ay intaas ka badnaan karto.

Labo qof oo kale oo Soomaali ah ayuu sheegay inay ku dhinteen labo maalin deegan u dhow caasimada Juba,halkaasoo oo maalintii Axaddii uu ka billowday dagaalka.

Dalka Koonfur Sudan waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo ku heesta ganacsiyo kala duwan, waxaana ay bartilmaameed u noqdeen colaada dagaalkaas ka aloosan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com