Muqdisho oo noqotay magaalada labaad ee ugu koritaanka badan dunida (Warbixin caalami ah)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Batam ee dalka Indonisia ayaa ah magaalada ugu koritaanka badan caalamka sida ay shaacisay hay’ada Demographia World Urban Areas ee fadhigoodu yahay dalka Maraykanka.

Hay’adan oo xisaabisa heerka koritaanka magaalooyinka dadkoodu ka badan yahay hal Malyan oo ruux ayaa magaalada Muqdisho ku sheegtay inay tahay magaalada 2aad ee caalamka ugu koritaanka badan leh.

Batam ayaa ah magaalo ku dhow dalka Singapore waxaana ka shaqeeya gaadiid faro badan waxana koboca magaalada uu ka dhashay gaadiidka ka howlgala taasoo xiriir la leh deegaan warshado ah halka ganacsiga xorta ahna uu magaalada saameyn ku yeeshay inay dad badan u soo shaqo tagaan.

Magaalada Batam ayaa waxaa ku nool dad gaaraya 1.1 million tirakoobkii iugu dambeeyay, waxana kororka magaalada lagu qiyaasay boqolkiiba 7.4% muddo sanad ah.

Magaalada Labaad ee ugu koboca badan leh caalamka ayaa lagu sheegay in ay tahay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya taasoo lagu sheegay tirada ku nool inay gaareyso 2.1Milyan iyadoo koboca magaaladana uu yahay 6.9%.

Hay’adan ayaa koritaanka magaalada Muqdisho ku macneysay inay u sabab tahay ammaanka oo soo wanaagsanaaday iyo rajo dhaqaale oo ka jirta magaalada hore ugaga guuray. ayna qoysas badan dib ugu soo laabteen magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com