MUQDISHO oo lagu qabtay arrin lagu farxo oo dadka soo xasuusisay in…

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhacday xaflad ballaaran oo lagu maamuusayay maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May.

Munaasabadda oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaa khudbad ka jeeyayay ra’isulwasaare Cabiweli Sheekh Axmed,isaga oo ka hadlay ahmiyadda ay 15-ka May u leedahay ummadda Soomaaliyeed iyo doorka ay dhalinyaradu ka qaadan karaan horumarka dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan qaaday in xukuumadiisa ay wax ka qaban doonto shaqo la’aanta ka jirta dalka gar ahaan Muqdisho.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, ayaa soo sheegaya in xafladda si weyn looga dareemay magaalada oo dhan maadama lagu arkayo dhallinyaro xiran calanka Soomaaliya iyo fannaanado ay ku qoran yihiin magaca SYL.

Waxaa lagu wadaa in munaasabadaha lagu weyneenaayo maalinta SYL ee 15ka May in maanta oo dhan ay magaalada ka socon doonto, iyadoona kolkan ku soo aaday maalin fasax oo ardayda ay fasax ka yihiin iskiuulka iyo Jaamacadda.

Ururkii gobonimo doonka ee SYL ayaa la aasaasay sannadku marka uu ahaa 1943-dii waxaana maanta laga joogaa 71-sanno.

Ururkan ayaa door muhiim ah ka soo qaatay in Soomaaliya ay madaxbanaani ka hesho gurmeestihii Faransiiska, waxsaana laha aas-aaskiisa 18-dhallinyaro ah kuwaasoo u istaagay in door ka qaataan siddii ay heeryada gumeystaha u qaadi lahaayeen dalkeena.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu diyaar garowday sannadkan munaasabadda 15-MAY oo ah maalin loo asteeyay dhallinyaradda Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com