Muqdisho: Yariisow oo soo saaray amar masaakiinta magaalada ka dhan ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow oo saaray amar cusub ayaa ku amray dadka degen xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga baxaan.

Eng C/raxmaan Yariisow, ayaa muddo labo todobaad ah u qabtay dadka degen xarunta Jaamacadda, waxaana uu sheegay haddii ay ku bixi waayaan muddada loo qabtay in ciidamada booliska gobolka ay ka saari doonaan.

Waxaa warqada kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir lagu sheegay in dhawaan xarunta Jaamacada Gaheyr lagu bilaabi doono dhismo si loo soo celiyo Jaamaacada isla mar ahaantaasna dhisida xaruntaani ay hormuud ka ahaan doonto wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dalka.

Amar midkaan lamid ah aya horaan sidaan oo kale dhowr mar oo kala duwan lagu bixiyay in dadka dagay xarunta Jaamacada Gaheyr ay isaga guuraan balse ma uusan dhaqan gelin.

Laakiin markaan waxay u muuqataa in amarkaan uu dhaqan geli doono maadama taliska Booliska Gobolka Banaadir la faray in ay ka saaran dadka degan xarunta Jaamacada wixii ka dambeeya mudada loo qabtay.

Amarkan ayaa imanaya ayadoo maamulka gobolka Banaadir uusan wax qorshe dib u dejin ah u sameyn dadka masaakiinta ah ee degan xaruntan, kuwaas oo marka laga saaro kusoo dhici doono meel cidlo. Dadkan badankood ayaa ah dad barakacayaal ah, oo dagaaladii dalka gudihiisa ku barakacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com