MURSAL oo dalab adag hor-dhigay xukuumadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Maanta ka hadlayey furitaanka kala fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday waxyaabihii u qabsoomay Baarlamaanka iyo waxyaabaha hadda la filayo in la qabto.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in kala fadhigii 4-aad ee Baarlamaamka Soomaaliya ay Xildhibaanada qabteen shaqo aad u adag isla markaasna lagu guuleystay ansixinta Hindiso Sharciyeedyo badan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in furitaanka kala fadhiga Shanaad ee Baarlamaanka Soomaaliya uu kusoo aaday waqti xasaasi ah oo ay jiraan Hindiso Sharciyeedyo badan oo Baarlamaanka laga doonayo inuu ka  doodo kadibna ansixiyo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya laga sugayo inuu Dalka gaarsiiyo Doorasho qof iyo cod ah oo ku dhacdo si xalaal ah.

Guddoomiye Mursal ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah usoo gudbiso Hindiso Sharciyeedka Doorashoyiinka Qaranka Soomaaliya, kaasoo laga ogaan doono sida ay noqon doonto Doorashada dhici doonto marka uu dhamaado waqtiga Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Bisha soo socoto ee April ayaa laga doonayo Dowladda Soomaaliya inay kala cadeyso nooca Doorshada uu dalka geli doono, taasoo ah arrin dastuuri ah oo laga doonayo Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Doorashada dalka ka dhici doonto laba Sano kadib ayaa la filayaa inay noqon doonto mid ka duwan qaabka doorashooyinkii dalka ka dhacay, inkastoo laga cabsi qabo inuu dalku galo mar kale doorasho la mid ah Middii uu Farmaajo kusoo baxay.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa isha ku hayo go’aanada laga qaadan doono Doorashada dalka ka dhici doonto, waxaana jirto cabsi ku aadan inay Dowladda hadda talada heyso dooneyso inay ku darsato laba sano oo dheeri ah iyadoo taas marmarsiiyo uga dhigan doonto inay dalka gaarsiineyso Doorasho qof iyo cod ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com