War ka cusub sarkaalkii ay Somaliland u xirtay ‘in uu jaajuus u ahaa DF Somalia’

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay Caasimada Online helayso ayaa waxay sheegayan in xukuumada Somaliland ay maanta saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa kasii deysay Yaasir Saleebaan oo muddo u xidhnaa eedo la xidhiidha inuu ku kacay khiyaamo qaran, oo ay ka mid yihiin inuu siraha amniga ee xasaasiga ah u gudbin jiray sirdoonka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Yaasir ayaa waxaa dhowr goor oo hore la hor-keenay maxkamadda degmada Hargeysa, oo kiiskiisa oo xukuumadu dhibane ka ahayd lagu dhageystay.

Yaasir Saleebaan oo ahaa xidhiidhiyaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh amniga, ayaa maanta xoriyadiisi dib u helay, Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo-wareedyo xog-ogaal ahi.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa ii deyntiisa ay ka dambeysay kadib markii xukuumadda culays badan kala kulantay beesha uu kasoo jeedo ee “Aadan Madoobe/Habarjeclo” oo uu sidoo kale kasoo jeeday madaxweynihii hore ee Axmed Siilaanyo.

Sida ay Caasimada Online u sheegen ilo lagu kalsoon yahay, waxa uu Yaasir sidoo kale Hor-jooge iyo Xidhiidhiyaba u yahay Shabakad Dhalinyaro ah oo Somaliland Gudihiisa ku sugan oo wada-shaqeyn joogto ah la leh Xafiisyada Madaxda ugu sarreysa Muqdisho ee Farmaajo iyo Kheyre.

Dad badan ayey la-yaab noqotay sida dhibta yar ee xukuumada Biixi xoriyadiisa ugu soo celisay qof ku eedaysnaa khiyaamo qaran iyo bixinta siraha amniga, iyada oo ay xabsiyada buux dhaafiyen dad ku eedaysan dambiyo aad u fudud oo qaarkood ay ku xidhanyihiin inay soo bandhigeen dhaliilaha xukuumada, Balse Yaasir ayaa waxa lagu sii daayey maadaama beeshiisu xulafo siyaasadeed la wadaagto beesha Muuse Biixi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com