MURSAL oo ku dhawaaqay GO’AAN xasaasi ah oo ku saabsan doorashada 2021

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalmahanba ku sugnaa dalka Itoobiya, gaara ahaan Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida, halkaas oo uu ku casuumay dhiggiisa Itoobiya ayaa waxaa uu ka hadlay doorashada la filayo in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka dambe.

Mursal ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto xiliga loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku iman doona doorashada, barlamaanka Soomaaliyana uu ka doodi doono shuruucda doorashada soo soocta.

“Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada”, ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da.

Waxaa kale oo uu sheegay in mudo xileedka dowlad walba ay ku qoran tahay dastuurka, oo dowladda walba ay heysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono.

Barlamaanka Soomaaliya ayaa guddi u magacaabay sharciga doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo dalka, waxaana guddigaas uu kulamo ugu tegay inta badan maamulada dalka, si ay uga ra’yi dhiibtaan sharciga doorashada.

Xulista guddiga doorashada ee barlamaanka uu magacaabay ayaa timid, kadib markii xukuumadda federaalka ay barlamaanka u gudbisay sharciga doorashada, taas oo keentay in golaha shacabka ay guddi u magacaabaan ka soo tala biixnta soo jeedinta dowladda.

Doorashada xubnaha barlamaanka Soomaaliya oo haatan ay ka harsan tahay sanad ayaa wali waxaan la ogeyn qaabka ay u dhici doontaa doorashada iyo nooca doorasho ee ay Soomaaliya yeelan doonto, arrintaas oo dad badan ay ka dhowrsugayaan.

Qaar kamid ah axsabata mucaaradaka ayaa dowladda ku eedeeyay in ay damacsan tahay muddo kororsi, walow aysan marnaba xukuumadda ka hadlin in ay damacsan tahay arrin noocaas ah.

Halkaan ka daawo madaxweyne Farmaajo oo weeraray Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com