Musavani oo shaaciyay sababaha uu ku jeclaaday Siyaasada iyo Habdhaqanka Donald Trump

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri Musavani ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu jecelyahay Siyaasada iyo habdhaqanka Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Yoweri Musavani, waxa uu sheegay in Trump uu yahay Madaxweyne aad uga fogaada beenta iyo iskadaba jiitanka,maadaama dadka Afrikaanta iyo shucuubta kale ee caalamku yihiin kuwo aad u jecel beenta.

Yoweri Musavani, waxa uu tilmaamay in Trump uu yahay mid ay iska cadyihiin Siyaasadihiisa dagaal iyo kuwa caadiga ahba, sidaa aawgeed Madaxda kale ee adduunku aysan u jecleen.

Yoweri Musavani, ayaa hadalkaan ka sheegay xili uu khudbad dheer ka jeedinaayay kalfadhi baarlamaanka Bariga Afrika waxa uuna dowladaha Afrikaanka ah ugu baaqay inay taageeran Siyaasada Trump.

Yoweri Musavani, waxa uu intaa raaciyay in shacabka Mareykanka ay heleen Madaxweyne aad uga wanaagsan kuwii hore, waxa uuna cadeeyay inuu horseed u noqonkaro Horumarka dalkiisa.

Nuqul kamid ah khudbadiisa ayaa aheyd “Amerika waxa ay heshey madaxweynihii ugu wanaagsanaa ebed, waan jeclahay Trump sababtoo Afrikaanka runta ayuu u sheegaa. Afrikaanka waa in ay dhibaatooyinkooda iyaga xalistaan”

Yoweri Musavani, waxa uu arrin iska caadi ah ku sheegay erayo gaf ah oo Trump ku tilmaamay shucuubta Africa, waxaana kamid ahaa ‘’Afrikaanku waa kuwo aan u qalmin nolosha oo gudaafad ah’’

Dhinaca kale, Musavani ayaa Afrikaanka ku booriyay inaysan wax u qaadan erayada uu ku hadaaqo Madaxweynaha Mareykanka Trump.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com