Xaaf oo ka run sheegay waxa uu salka ku hayey Socdaalkiisa Emirate-ka ee sababay khilaafka Galmudug iyo DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay booqashadii uu sanadkii hore ku tagey dalka Emirate-ka Carabta.

Xaaf, waxa uu sheegay in booqashadaasi ay ka careysiisay Dowladda Dhexe Somalia, balse waxa uu tilmaamay in aaditaankiisa Emirate-ka uu ahaa arrimo caadi ah.

Xaaf oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada VOA isla markaana ka hadlaayay Khilaafka ka dhashay safarkiisa Emirate-ka ayaa yiri “Khaliijka sidii aan u aaday iyo sidii loo fahmay baa kala jaad ahaa. Anigu waxaan u aaday nimankaa xooggaa anaga gobolkayaga waxba may tarin, sanadihii hore. Gobolada kale wixii ay tareen oo kale inay na taraan oo ciidamada noogu dhisaan xarumo iyo iskuulo inay nooga dhisaan degmooyinka’’

‘’Shaqo badan bay ka qabteen gobolada kale, gaadiid bay siiyaan. Anagu marka waan qatanayn si aanu u helno xuquuq lamid ah tan Gobolada ayuu ahaa socdaalkeyga.”

Waxa uu intaa raaciyay “Anigu meesha waxaan u aaday wax kale maaheynee waxay ahayd anagu waan qatanahayee dee qaybkayagii na siiya, gobolada kale wax waa sii seynee.”

Dowlada Somalia ayaa waxaa xiligaa ka careysiiyay haddal uu Xaaf warbaahinta usoo mariyay taa oo aheyd in Galmudug ay taageersan tahay isbahaysiga Sacuudiga, oo markaasi uu khilaaf soo kala dhexgalay Dowladda Qatar.

Sidoo kale, Dowladda Somaliya, ayaa xilligaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya dhinacyadaasi, iyadoona ka hortimid inay xiriirka u jarto Dowladda Qatar.

Si kastaba ha ahaatee, Xaaf ayaa iminka iska fogeeyay in socdaalkiisa Emirate-ka uu ahaa mid uu dhaqaale ugu soo qaadanaaya taageerida xulafada Sacuudiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com