Waxbadan ka Ogaaw asbaabaha soo dadajiyay in Taabit uu si sahlan kuwaayo xilkiisa (Akhriso Qodobada)

Muddo saddex toddobaad gudahood ah ayaa wax waliba is bedeleen, kadibna natiijadii noqotay in xilka laga qaado mid ka mida mas’uuliyiintii ugu shacbiyadda iyo waxqabadka badnaa dowladda uu hoggaamiyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo aan weli sanad jirsan.

Taabit Cabdi Maxamed wuxuu ahaa raggii ugu dhowaa ee madaxweyne Farmaajo oo qeyb ka ahaa ololihii doorashada, waxaana loo arkayey inuu waqtiga ugu danbeeya la gaari doono dowladda xilligan, laakiin si aan la fileyn ayay wax waliba ku dhaceen, degdeg ayaana xilka looga qaaday, taasoo dad badan ay la yaabeen, isla markaana la is weydiinayo sida wax u dhaceen iyo xaqiiqada jirta.

Marka la isku soo xooriyo xiisadii maamulka Gobolka Banaadir hareysay ee keentay xil ka qaadisbta Taabit Cabdi Axmed waxaa lagu soo koobi karaa inay salka ku heysay saddex arrimood oo kala ah:

1- MAQAAMKA MUQDISHO

Xuquuq la’aanta siyaasadeed iyo maqaamka Muqdisho ayaa ahayd arrin ka mida qodobadii uu eersaday guddoomiye Taabit, waxayna ku jirtay war-saxaafadeedkii uu ku aqbalay xil ka qaadistiisa. Waxayna arrintan la xiriirtaa in G/Banaadir uu helo maamul la mida maamullada kale ee dadka degan u tashadeen.

Arrintan ka hadalkeeda iyo u doodisteeda waxay isu bedeshay halis dul saaran madaxweyne Farmaajo iyo saaxiibadiis oo muddooyinkii danbe Taabit u arkay nin inqilaab ka ridaya caasimadda oo dowladda Federaalka kala wareegaya gobolka kaliya ee ay ka taliso, waxayna sii xoogeystay shakiga arrintan markii uu qabanqaabiyey shir arrintan looga hadli lahaa oo saaxiibada dhow ee madaxweyne Farmaajo ay dhegta ugu sheegeen inuu halis ku yahay, taasoo keentay inuu soo farageliyo oo uu baajiyo.

2- AMNIGA CAASIMADDA

Xaaladda ammaan ee caasimadda Muqdisho waxay ahayd mid gacanta ugu jirta Hay’adaha amniga ee dowladda Federaalka, waxaana muddo badan lagu fashilmay in laga hortago falalka amni darro iyo qaraxyada ka dhaca, taasoo loo aaneeyo isku dhex yaaca hay’adaha amni iyo ciidamada faraha badan ee ku sugan.

Sida guddoomiyeyaashii ka horeeyay wuxuu Taabit dalbaday in lagu wareejiyo maamulkiisa arrimaha amniga, isagoo weliba balanqaaday in lagula xisaabtamo nabadgelyada, laakiin ma jirin wax jawaab ah oo madaxda sare uga yimid, waxaan la yaab lahayd in baaqyada guddoomiyaha uu ka jeediyo warbaahinta iyo shirarka caalamiga ah, halkii madaxda sare uu ka dhameysan lahaa.

Amniga Muqdisho oo lagu wareejiyo maamul Banaadir leeyahay waxaa hore uga hor yimid dowladii Xasan Sheekh, waana shaqada kaliya ee xukuumadda fadhida Xamar ay qabato, laguna bixiyo dhaqaalaha ugu badan, wuxuuna qofkii damaaciya ka dhigan yahay mid curyaaminaya xukuumadda.

Wasiiro, xildhibaanno iyo waxgarad badan ayaa kula taliyey Taabit inuu faraha kala baxo arrinta amniga Muqdisho, iyagoo kula dooday inuu ku fashilmayo , laakiin waxaa muuqatay inuu ku adkaa arrintan, si joogto ahna uu kormeer iyo dabagal ugu hayey ciidamada ammaanka sida Booliska iyo Nabadsugidda.

3- SHACBIYAD IYO TAAGEERO DADWEYNE

Hab-dhaqankiisa shaqo ee aan harsiga lahayn, waxqabadka muuqda iyo sida uu ugu dhowaa shacabka wuxuu muddo kooban ku soo baxay xiddig ka dhex muuqda madaxda dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo, waxayna taasi sida muuqata dhibaato ku noqotay xiddig kale oo ah Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Loolan siyaasadeed hoose oo dhinacyo kala duwan leh ayaa labadan nin dhex maray. Inkastoo Taabit ka mid ahaa dadkii ka dambeeyay xilka Ra’iisal wasaarenimo ee Kheyre loo dhiibay, haddana wuxuu Kheyre u arkay inuu halis ku yahay mustaqbalkiisa siyaasadeed, wuxuuna uga dhowaaday Madaxweynaha iyo Fahad Yaasiin, kana sameystay kalsooni intii uu Taabit ku howlahaa raadinta xuquuqda Muqdishaawiyiinta.

Inuusan Kheyre raali ka ahayn dardartii Taabit lasoo baxay waxaa laga dareemay markii uu hor istaagay qoonde dhaqaale oo golaha wasiirada ay u ansixiyeen G/banaadir, taasoo ahayd in loo kordhiyo 10% dakhliga ilaha Muqdisho oo hadda ay ku lahayd 15%.

GABAGABO

Madaxweyne Farmaajo wuxuu kalsooni aan la loodin karin ku qabaa shaqsiyaad doorashadiisa ka danbeeyay, waxaana muuqata inuu raali ku yahay ama ku qasban yahay in saaxiibadiisii hore mid mid loo siibo, iyadoo la ogaa in guddoomiyaha xisbigiisii TAYO iyo wasiiradii Maryan Qaasim ay ka baxday xukuumadda, iskana casishay xilka.

Guddoomiye Taabit wuxuu fursad siiyey saaxiibadiis awoodda ku lahaa xafiiska Madaxweynaha markii ay ka tan badisay arrinta Muqdisho, wuxuuna si fudud oo aan la fileyn loogala baxay dowladii uu ka mid ahaa dadkii keenay, waxaase cad ineysan isaga ku ekaan doonin.