Xog: Khilaaf Siyaasadeed u dhexeeyay Farmaajo iyo Bukhaari oo xal loo helay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno Xildhibaano ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa sheegaya in xal laga dhex abuuray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee baarlamaanka, Abshir Maxamed Maxamuud (Bukhaari).

Khilaaf Siyaasadeedka labada mas’uul ayaa waxaa xalkiisa lagu gaaray magaalada Cadaado ee maamulka Galmudug, xili uu Bukaari kamid yahay wafdiga la socda Madaxweynaha.

Khilaafka labada mas’uul ayaa ahaa mid ka bilowday kala aragti duwanaanshaha dhanka Siyaasada iyo howlgalada ay dowladu ku u gaarsaneyso shaqsiyaadka sida dhow ula shaqeeya dowladaha Shisheeye ee carqalada Siyaasadeed ku haya dowlada.

Waxaa xalinta khilaaf Siyaasadeedka kaalin weyn  ka qaatay Hogaamiyaha maamulka Galmudug Xaaf, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Xildhibaano dhowr ah oo xiligan kamid ah Wafdiga Madaxweynaha ku wehlinaaya socdaalka Nabadeed.

Bukhaari, ayaa aad uga careysnaa weerarkii December 18, 2017 lagu qaaday Hooyga C/raxmaan C/shakuur oo ay qaaden ciidamo ka tirsanaa NISA, waxaana iminka muuqda in xal laga gaar.

Bukaari, ayaa weerarkaasi xiligaa ku sifeeyay mid lagu beegsanaayay shaqsiyaad gaara, hase ahaatee waxaa iminka muuqaneysa in Siyaasad ahaan ay aad isugu soo dhawaaden Farmaajo iyo Bukaari.

Sidoo kale, Bukaari ayaa ka shaqeynaaya in xal buuxa laga gaaro xurguf Siyaasadeedka u dhexeeya Dowlada iyo Beesha uu kasoo jeedo.

Ma cadda waxa ay isku soo dhawaanshiyaha Farmaajo iyo Bukhaari ka bedeli doonto xiisadaha Siyaasadeed ee xiligaan ka jira dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com