Musaveni oo faragalin kusoo sameeyay khilaafka dowladaha Somalia iyo Kenya u dhexeeya (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Siyaasada kacsan ee ka dhexeysa DF iyo Kenya.

Yuweri Musaveni ayaa ururka Midawga Africa ugu baaqay inay faragalin ku sameeyaan Khilaafka DFS iyo Kenya ee ka taagan xadka Somalia waxa uuna Musaveni sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Dowladaha Africa ay faragalin ku yeeshaan arrintaani taagan.

Musaveni waxa uu tilmaamay in Caalamka oo idil ay ka dhexeyso muran xuduudeed waxa uuna farta ku goday in Khilaafka DF iyo Kenya ee la xiriira xuduudka uu yahay mid ka muuqaal duwan kan caalamka kale ka dhexeeya.

Musaveni waxa uu tilmaamay in arrinka xuduudka ka taagan uu ka dhashay is fahan dari awgeed waxa uuna ku baaqay in fiiro fog loo yeesho arrintaani taagan.

”Waa lama huraan in xal loo helo khilaafka ka dhashay xadka Somalia iyo Kenya. maxaa yeelay arrintaani waxa ay iskubedeli kartaa wajiyo ka duwan kan hadda u dhexeeya labada dal”

Musaveni waxa uu ku celcelshay in wakhti hore loo baahan yahay in Ururka Midawga Africa uu faragaliyo arrintaani murugada leh.

Sidoo kale Yuweri Musaveni waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in dawlada Somalia laga taageero dib u dhiska iyo ciidamadeeda loo diyaarsho inay amaanka xaduudaha taasoo xal u noqon karto in arrinta xaduuda la xariirta.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaani ayaa imaaneysa xili Dowlada Kenya ay faragalin xoogan ku heyso xadka iyo bada Somalia, waana tan keentay in Dowlada Ugandha ay faragaliso.

Caasimada Online
Xafiiska muqdisho
Caasimada@live.com