Sawirro: Booliska DFS iyo QM oo la tartansiiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kulan ku qaatay Saraakiil ka tirsanaa Booliska Somalia iyo kuwa QM ka jooga Somalia.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa mid salka ku hayay ka tashiga hanaanka ay Ciidamada Booliska Somalia u xaqiijiyaan amaanka iyo qaabka ay kuwa QM u sugaan amaanka goobaha ay ku sugan yihiin.

Kulanka inta uu socday ayaa waxaa lagu saleeyay manhajka Booliska Somalia si loola barbar dhigo kan QM.

Isbarbar dhiga manhajka Ciidamada Booliska Somalia iyo QM, kadib ayaa waxaa loo guda galay dood ku saabsan farqiga u dhexeeya labada manhaj, waxaana goobta ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Booliska QM Christoph Buik iyo Saraakiil kale oo ka kala tirsan Saraakiisha sare ee taliska Booliska Somalia.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah saraakiil ka socotay maamul goboleedyada dalka ka jira, waxaana mudada uu socda looga dooday dardar gelinta, tababarada iyo shaqaalaynta Booliska Somalia, loogana dhigaayo ciidan xirfad leh, islamarkaana awood u yeesha in si hufan ay hawlahoodu shaqo u qabsadaan.

Taliyaha Boliska Qaramada Midoobe Christoph Buik oo dooda ka hadlay ayaa sheegay in danta ay leeyihiin ay tahay shaqaaleysiinta Boliiska ,iyo sidoo kale dar dar gelinta tababarada Boliiska Soomaaliyeed.

Wuxuu xusay inay sii wadi doonaan heshiisyada tababar ee lagu adkeynayo tayada Boliiska Soomaaliya.

Christoph Buik ayaa ballan qaaday in ay xoojin doonaan tayada Booliska Soomaaliyeed si ay u noqdaan kuwo ku guuleysta in howshooda kasoo baxaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
tababarbolis-1

tababarbolis-2

tababarbolis-3

tababarbolis-4

tababarbolis-5

tababarbolis-6

tababarbolis-7

tababarbolis-8

tababarbolis-9

tababarbolis-10