Xog: Taliye cusub oo loo magacaabay garoonka..

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Afguduud ayaa waxaa taliye cusub loogu magacaabay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Taliyaha la magacaabay ayaa waxaa lagu bedelay Taliyihii dhawaan lagu dhextoogtay garoonka diyaaradaha kaasi oo lagu magacaabi jiray Xassan Shire Amaan.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Gaashaanle Aadan Muuse Jaamac waxa uuna horay usoo qabtay xilalka kala duwan.

Aadan Muuse ayaa horay usoo ahaan jiray Taliyihii saldhiga bartamaha Garowe intii u dhaxaysay Sanadkii 2011-2013-kii, waxa uuna iminka noqonayaa Taliyaha Booliska Garoonka Boosaaso.
Taliye

Aadan Muuse oo ah Taliyaha cusub ayaa sheegay in muddo kooban gudaheeda uu kusoo saari doono warbixin buuxda oo la xiriirta sababtii ka danbeysay dilka Taliyihii hore ee Garoonka Diyaaradaha Boosaaso.

Aadan Muuse ayaa loogu baaqay in howshiisa uu si hufan u guto, islamarkaana uu xaqiijin ku sameeyo askarta kale ee suuragalinkarta fulinta dilal kale oo ka dhaca garoonka Boosaaso.

Dhanka kale, magacaabida Taliyahaani cusub ayaa imaaneysa xili asbuucii tagay bartamaha Garoonka lagu dhextoogtay Taliyihii garoonka kaasi oo dilkiisa uu fuliyay Askari maalmo un ka hor laga ruqseeyay shaqada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com