Faysal Cali: Caqabada Soomaaliya waa XASAN.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka Ucid ee Somaliland ayaa si adag uga hadlay xaalada cakiran ee iminka ka taaga Somalia iyo Siyaasadaha iska soo horjeeda ee jahwareerka ku riday Soomaalida.

Faysal Cali ayaa sheegay in madaxweyne Xassan Sheekh uu caqabad ku yahay xal u helida Siyaasada Somalia waxa uuna Faysal tilmaamay in dhibaatada ka taagan Somalia uu sabab u yahay Xassan.

Waxa uu sheegay in Xassan Sheekh uu ku fakiraayo in Somalia uu kasii arimiyo labaatanka Sano ee soo socta waxa uuna taasi ku micneeyay in damaca Xassan uu yahay mid kursi jecleysi ah.

”Xassan anigu mar hore ayaan ogaa waxa ay siyaasadiisu ku qotonto, waayo waa nin aad u jecel inuu iska sii ahaado madaxweynaha Somalia, danta ugu badan ee uu ka leeyahay waa maslaxadiisa qura”

Eng Faysal waxa uu cadeeyay in madaxweyne Xassan uu dan u arko in madaxa leysku galiyo umadda Soomaaliyeed, waxa uuna ka digay in la aamino Siyaasada Xassan.

Dhanka kale, Faysan Cali waxa uu Xassan Sheekh uga digay inuu faragalin ku sameeyo arrimaha Somalia, islamarkaana uu xor u yahay arrimaha muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com