AKHRISO Qodobadii laga soo saaray shirka wadatashiga Qaran ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Shabakada Caasimada Online oo galaangal ku dhex leh Siyaasiyiinta ugu sareysa dalka ayaa waxaa u suuragashay inay hesho qodobadii lagu heshiiyay shirkii wadatashiga oo ka kooban 7-qodob.

Qodobada leysku raacay oo ah Qodobo guud ayaa waxaa lagu heshiiyay in la dhaqan galiyo xiligaani, islamarkaana ay DFS u gudagasho qaabkii ay kula socon laheyd shir la sheegay inuu barbar socon doono kan iminka soo xirmay kaasi oo ka dhici doono magaalada Kismaayo.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA LAGU HESHIIYAY:-

1-Dhismaha aqalka sare iyo kan hoose waa in qayb ka ahaadaan hanaanka doorashada 2016

2-In la isku raaco qorshe siyaasadeed qeexaya meel-marinta hanaanka doorasho 2016 iyo mid kale oo caddaynaya sidii dalka doorasho hal qof hal cod ah loga hirgelin lahaa sanadka 2020, qorshayaashan waa in ay qayb ka nqodaan heshiisyada ugu danbeeya ee doorashad 2016.

3-Doorashada laba aqal waa in ay ku salaysnaadaan isu dheelitir, qabiil iyo deegaan ah.

4-In ergooyin doorasho ka qaybqaataan doorashada Xildhiaabanada Baarlamaanka taasoo ka dhacaysa caasimadaha dowlad goboleedyada ergooyinku waa in ay kala metalaan qaybaha bulshada, sida haweenka, dhalinyarada iyo bulshada rayidka ah.

5-Inaan wax muddo kordhin ah loo sameyn hay’adaha dowladda Federaalka ah.

6-Kadib wadatshi ay hoggaamiyaashu ugu noqdaan deegaanadooda waa in faahfaahin kama danbeysta ah hannaanka doorasho ee sanadka 2016 iyo qorshe fulineed la isku raaca kulanka lagu qaban doono Kismaayo 10ka Janaayo 2016.
snf1

snf2

La soco wararkeena danbe wixii faahfaahin ah oo arrintaani la xiriirta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com