Xog: CC oo heshiis halis ah la galay xildhibaano

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir xasaasi ah oo albaabada la isku soo xirtay ayaa saakay ka hor madasha wada tashiga dhex maray RW CCC iyo 25 xildhibaan ee ka tirsan guddiga madasha kuwaasoo wakiil ka ah baarlabaanka. Shirkan ayaa ka dhacay Villa Hargeysa ayaa ahaa mid aan waxba la iskula harin.

Waxaa la is dhaafsaday erayo kulkulul iyadoo ugu danbeyntiina xildhibaanada, seddexda guddoon ee baarlabaanka iyo RW CCC aay isla meel dhigeen in xalka kaliya ee hadda jira uu yahay in muddo kororsi laba sano ah loo sameeyo baarlabaanka hadda jira. RW CCC ayaa isku dayay in uu ku qanciyo xildhibaanada iyo guddoonka baarlabaanka in muddo kororsiga laga dhigo mid loo wada dhan yahay dhammaan laamaha dowladda federaalka ah.

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow ayaa uga digay RW CCC in faraha la soo galo ama dhinac uu la safta, haddii uu faraha la soo galo ama dhinca uu la saftana uu eedi doono.

Arrintan ayaa waxaa ka biyo diiday seddex guddoon iyagoo u sheegay RW CCC in beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeedba aanay u cuntameyn muddo kororsi loo sameeyo madaxda sare ee dowladda.
Prof: Jawaari ayaa ku cel-celiyay in la helo xal waara lana dhowro sharciga iyo dastuurka dalka. “Xildhibaanada waxaa aay soo qabteen howlo muhiim an, kuwana waa ka qabyo. In shaqooyinkii la soo qabtay la laado oo haddana kow laga soo bilaabo xal iyo dan uma aha dalka iyo dadka” Ayuu yiri Prof: Jawaari.

Jeynaalin Nuur Iikar, ayaa isagan carrabka ku dhuftay in la joogo maalintii shacabka aan metelno u keeni lahayn xal waara iyo xasilooni siyaasadeed si horey loogu socdo -Ayuu yiri.
Waxaa saacadihii ugu danbeeyay isi soo tarayo in muddo kororsi loo sameeyo Baarlabaanka oo kaliya uu xalkii ku soo biyo shubanayo. Balse arrinkan ayaan eegi doonaa sida uu u soo dhaweeyo Madaxweyne Xasan iyo saaxibadiis oo aanan wax xiriir ah la lahyn xildhibaanada.

Madaxweyna Xasan ayaa ka badbaaday mooshin xilka looga tuuri lahaa bishii Okober ee sanadkan.
Muddo kororsi loo sameeyo baarlabaanka ayaa waxaa aay ku noqon doontaa Xasan Sheekh dhabar jab, waxaana loo badinayaa in uu sameeyo tanaasul kana laabto musharaxnimadiisa sanadka 2016.

Wariyaheena Caasimada Online ayaa sheegaya in uu hakad galay shirkii madasha kaddib is afgaran waa weyn oo ka dhex jira madaxda. Weli laguma heshiin qaabka doorasho ee 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com