Cabdi Welli Gaas oo looga hanjabay Gaalkacyo.!!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa ka dhacay banaanbax ka dhan ah in qaabka 4.5 lagu soo doorto xildhibaanada cusub ee imaanaya sanadka 2016.

Banaanbaxa oo ay ka qeyb galeen odayaal, waxgaradka iyo xubno kamid ah maamulka Puntland ayaa kaliya ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulka Puntland.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa soo xirtay dhar iyo astaamo muujinaya sida ay kaga soo horjeedaan in nidaamka 4.5 lagu soo dhiso dowlada loo sameynayo Soomaaliya sanadka soo socdo, waxayna u hanjabeen C/welli Gaas.

Qaar kamid ah waxgaradkii ka hadlay munaabada ayaa sheegay ineysan marnaba C/welli Gaas ka aqbali doonin inuu kula laabto Puntland isaga oo aqbalay in 4.5 laga dhigo doorashada sanadka soo socdo ee 2016.

“Haddii uu C/welli Aqbalaa go’aan aan aheyn in hab deegaan wax lagu dooro yuusun noo imaan ha iska joogo Xamarkiisa, sababtoo ah waxaan dooneynaa in qaabka doorasho ay noqoto mid xalaal ah oo aysan cuqdadi ku jirin”sidaasi waxaa mid kamid ah odayaashoo banaanbaxa ka hadlay.

Banaanka ayaa kusoo aadaya iyadoo marar badan Puntland islaamisay in doorashada sanadka soo socdo doonayaan in laga dhigo qaab deegaan.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com