Arrin cusub oo kusoo korortay xaalka B/Weyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Xaalada magaalada Beledweyne ayaa sii kacday kadib markii maanta magaalada lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xooga dalka kana mid ahaa dadkii dhexdhexaadinta ka waday magaalada.

Sarkaalka la dilay ayaa kamid ahaa dadkii sida aadka ah ugu ololeynayay in magaalada uusan ka dhicin dagaal dambe, waxaana la sheegayaa in sidoo kale la dhaawacay askari u dhashay dalka Jabuuti kana mid ah ciidamada AMISOM.

Dilka waxa geystay baa la yiri dhinac ka mid ah Maleeshiyaadka ku dagaalamaya Xaafada Howlwadaag xilli uu Marxuumka dhintay ku howlanaa daminta Xiisada Dagaal Ee Beelaha Walaalaha udhaxeysa.

Saaka ayaa markale  waxa rasaas isku weydaarsaday Xaafada Howlwadaag Labada Maleeshiyo Beeleed oo weli is hor fadhiya hub uruursina sameenaya.

Dilkaasi loo geystay Sargaal katirsanaa Meliteriga Soomaaliya ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli Wafdi Ka Socda Dawlada Federaalka Beledweyne kusugan yihiin oo Xal Nabadeedna ay wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com