XOG: Xasan fashil kala kulmay Beesha caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow aan ka helnay Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Xassan Sheekh uu xafiiskiisa kulan uu albaabada u xirnaa kula qaatay wakiilada Beesha caalamka ka jooga Somalia ee maalmihii ugu danbeeyay faraha kula jiray xal u helida khilaafka ka dhex aloolsan DF iyo maamul Goboleedyada dalka.

Kulanka Madaxweyne Xassan iyo Wakiilada oo socday ku dhawaad Seddex saac ayaa waxaa lagu lafa guray xiisada Siyaasadeed ee ka dhex taagan DF iyo Maamulada dalka, waxaana kulankaasi banaan joog ka ahaa madaxweynayaasha Gobolada ee qeybta ka ah shirka wadatashiga ka socda magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan ayaa inta kulankaasi uu socday madasha ka sheegay inuu u maara waayay xalinta khilaafka islamarkaana Jubbaland iyo Puntland ay wali ku dhagan yihiin in la hirgaliyo rabitaankooda ee ah ka tanaasulida nidaamka 4.5.

Xassan Sheekh waxa uu sidoo kale wakiilada u sheegay in rabitaanka Dowlada ay tahay in muddo lasiiyo ka tanaasulida 4.5 oo uu sheegay in beelaha qaar aysan ogolaan doonin in laga weecdo nidaamkaasi, waxa uuna hordhigay inay natiijo ka keenaan arrintaani khilaafka dhalisay.

Xassan waxa uu wakiilada uga cawday in isaga arragti ahaantiisa uu taabacsan yahay ka guurista nidaamkaasi balse caqabada ugu weyn ay tahay sida lagu qancin lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee xiligaani xalka u arka nidaamkaasi.

Wuxuu ka codsaday in xal loo raadiyo arrintaani murugada dhalisay, waxa uuna u ballanqaaday in xal waliba oo ka imaada dhankooda uu qaadan doono iyada oo aan la dhaawaceynin baahida keentay nidaamka 4.5.

Sidoo kale, wakiilada oo kulanka ka jeediyay arragtidooda ku aadan xal u helida khilaafka taagan ayaa isku raacay in xalka uu yahay mid ku jira in DF ay kasoo dabacdo go’aanada ay tiigsaneyso, waxa ayna Xassan ku dhaliileen in khilaafka uu sii dheereynaayo.

Wakiilada waxa ay sidoo kale sheegen in wakhti badan ay u baahan tahay xal u helida khilaafka, waa haddii ay DF kasoo dabci weyso waxa ayna soo jeediyeen in Dowladu ay ka tanaasusho nidaamka 4.5 si ay usoo dabcaan maamulada Gobolada.

Waxa ay wakiiladu dalbadeen in kulamo gaar ah ay isku arkaan Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas oo ay sheegen inay dhageysan doonaan qodobada ay ku dhagan yihiin iyo sida looga tanaasuli karo.
Waxaa lagu wadaa in kulan ka duwan kan wada-tashiga ay wada qaatan wakiilada iyo madaxweynayaasha Jubba iyo Puntland.

Wakiilada ayaa iyagu la safan Jubbaland iyo Puntland, waxaana adag in si sahlan natiijo looga gaaro muranka ka taagan ka guurista nidaamka 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com