Xog: Shirka wada-tashiga oo galay weji cusub.!!

Muqdisho (Caasimada Online):-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa wali madaxa isugu jira Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul gobaleedyadda dalka ee ka sharciyaysan dhanka Dowlada kaasi oo la xiriira Wadatashiga Qaranka.

Saacadihii ugu danbeeyay ayaa waxaa lasoo sheegayaa in madaxtooyada Somalia ay ka socdeen shirar u dhexeeyay madaxda dalka iyo kuwa Gobolada, kaasi oo natiijo la’aan kusoo idlaada mar waliba oo leys hor fadhiisto.

Shirarka gaargaarka ah inta ay socdaan ayaa waxa ay madaxda dalka ku codsadeen in maamulada ay ka tanaasulaan aragtidooda la xiriirta ka gudbida nidaamka 4.5, waxa ayna taasi dhalisay kala fogaanshi u dhexeysa Dowlada iyo madaxda maamulada.

Masuuliyiin uu kamid yahay madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxaa u cad in Somalia lagu dhaqo nidaamka ay soomaalida wax ku qeybsato, waxaana arinkaasi kasoo horjeeda kuwa Gobolada dalka.

Is jiidjiidkaani ayaa dhaliyay muran Siyaasadeed kaasi oo ugu danbeyntii sabab u noqon kara in madaxda dalka iyo kuwa Gobolada ay ku kala tagaan, iyada oo cid waliba ay suuragal tahay inay dib ugu laabato halkii ay kasoo baqooshay.

Dadka ku xeeldheer Siyaasada dalka ayaa rumeysan in loo baahan yahay in marka hore Xal dhexe laga gaaro Nidaamka Dowladda iyo Awood qeybsiga Xilalka Qaranka, markaasi kadib in laga fekero Ajendayaasha muhiimka ah, iyadoo Qorshaha Kheyraadka la qeybsan karo marka la helo Somali Nabad ah, mideysan oo isku Mowqif ah.

Qoddobadda haatan miisaanka saaran ayaa ah Nidaamka ay noqon doonto Dowladda soo socota iyo qaabka ay Doorashaddu u dhacayo.

Sidoo kale, dhowr kala doorasho ayaa miiska saaran si la isugu raaco Nidaamka Doorashadda iyo Awood qeybsiga Xilalka Qaranka, waxayna Madaxdu kala taageersan yihiin in Nidaamka Doorashadda noqoto:
1-Doorasho Nidaamka Awood-qeybsiga haatan jira ee 4.5 ama
2-Doorashadda Degmooyinkii jiray Xilligii Dowladda Kacaanka.

Labadaasi Ra’yi ayaa lagu kala dhegan yahay, inkastoo loo badan yahay in lagu sii dhaqmo Nidaamka ay Dowladda Federalka iyo Dowladihii KMG ku dhisnaayeen ee 4.5

Muddada asbuuca dhaafsan ee uu shirarka ka socdo magaalada Muqdisho ma jirto wax natiijo ah oo shirarkaasi kasoo baxay taasi oo muujineysa in howli aysan farakaqodneyn.

Dadka qaar waxa ay qabaan in nidaamka 4.5 uu dhiig joojin u yahay Daruufihii xilligaas lagu sugnaa, inkastoo weli ay jirto baahida khasbayso in lagu sii tisqaado Nidaamka 4.5.

Shirarka socda waxaa laga filankaraa labo arrin oo kala ah:-
1- In lagu kala boodo shirka oo cid waliba ay dib ugu laabato halkii ay kasoo ambabaxday.

2- In madaxda Dowlada ay arintaani taagan dusha saarato oo ay la safato kuwa Gobolada oo ay meesha ka saarto nidaamka 4.5 una guurto nidaamka Doorashadda Degmooyinkii jiray Xilligii Dowladda Kacaanka.

Docda kale, Siyaasiyiinta DF iyo kuwa Maamul gobaleedyadda waxay u muuqdaan inay culayska ugu muhiimsan saareen Nidaamka Doorashadda, balse uma muuqdaan kuwo ka hadlayo Dedejinta Maamul gobaleedyadda dhismi doono, Aqoonsiga kuwa weli magac ahaanta u taagan iyo sidii loo wajahi lahaa in Walaalaha Somaliland laga gar baxo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com