Xog: Xasan Sh. iyo CC oo ay ka dhex tafan tahay

Muqdisho (Caasimada Online):-Warar hoose oo aan ka heleyno dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in Khilaaf xoogan uu xiligaani ka dhex taagan yahay Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid.

Ilo wareed ka tirsan Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka ayaa xaqiijiyay in labadii maalin ee ugu danbeysay uu sii xumaanayay xiriirka ka dhexeeya Xsasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid kadib markii uu saameyn xoogan ku yeeshay kala aragti duwanaanshaha shirka wada-tashiga aayaha Somalia.

Khilaafka labadaani mas’uul ayaa yimid kadib markii Cumar C/rashiid uu kasoo horjeestay in Somalia lagu sii maamulo nidaamka 4.5, soona jeediyay in DF ay tanaasul ka sameyn doonto ku adkeysiga qodobkaasi muranka dhaliyay.
Madaxweyne Xassan oo go’aankaasi Sharmaarke ka carooday ayaa Cumar C/rashiid ku canaantay inuusan xakameyn karin afkiisa islamarkaana uu yahay mid u nugul Siyaasada Jubbaland iyo Puntland.

Madaxweyne Xassan ayaa sidoo kale Sharmaarke ku eedeeyay in masiirka beelaha Soomaaliyeed uu si sahlan ku burburinaayo, balse taasi aysan aqbali doonin Dowlada.

Sharmaarke ayaa dhowr jeer usoo jeediyay Madxaweyne Xassan in laga tanaasulo nidaamka 4.5 si looga gudbo farfar ku taagan islamarkaana ay DF usii gudato waajibaadka ka saaran Doorashada dalka.
Khilaafka noocaani ah ee inta badan ka dhex curta Xassan Sheekh iyo Cumar C/rashiid ayaa yimaada xiliyada magaalada Muqdisho lagu shirinaayo maamulada dalka.

Madaxweyne Xassan waxa uu kasoo horjeeda in Somalia laga hirgaliyo nidaam aan aheyn 4.5, waxa uuna cadeeyay inay ku adagtahay.

Si kastaba ha ahaatee, Khilaafkaani ayaa xoogiisa ah mid ka dhashay Siyaasadaha jilicsan ee Ra’isul wasaare Cumar uu u muujinaayo maamulada dalka, waxa ayna taasi carro ku abuurtay madaxweyne Xassan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com