Dhageyso: C/Welli Gaas iyo Axmed Madoobe oo loo jeediyay inay XAMAR isaga tagaan, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saciid Diiriye Maxamed, oo kamid ah baarlamaanka maamulka Puntland ayaa ugu baaqay in madaxweyne C/welli Gaas iyo Axmed Madoobe isaga tagaan magaalada Muqdisho, maadaama fikradooda aan laga tixgelin sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ku taageeray C/welli Gaas iyo Axmed Madoobe fikrada ku aadan in qaab deegaan lagu soo doorto xildhibaanada imaanaya sanadka soo socdo, wuxuuna si adag kaga soo horjeestay nidaamka 4.5.

Saciid Diiriye, wuxuu tilmaamay in siyaasiyiinta kasoo jeeda koofurta dalka Soomaaliya ay baabi’iyeen dalka ayna doonayaan in dib loogu laabto nidaamkii ummada Soomaaliyeed kala qeybiyay ee 4.5, sida uu hadalka u yiri.

“Anigaa wax bi’iyey ee khaladka ha la igu raaco ama haddaan wax kale keenayaa wax lagu hadlo maahan, qofkii aan Qaabka degmooyinka doonayn oo aan degmaba lahayn dee inuu doorasho doonaba maahan, ma qof meel cidlaa daggan baa jira, dalku waa qaybsan yahay oo gobol gobol iyo degmo degmo ayuu u qaybsan yahaye, ma cid cirka daggan baa jirta, qof walba degmaduu kasoo jeedo buu wax ku qaadanayaaye” ayuu yiri Xildhibaan Siciid Diiriye Maxamed.

Labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayuu sheegay in looga baahan yahay iney ka tagaan magaalada Muqdisho haddiiba aan laga tixgelineynin, isagoo sheegay in nidaamka habka deegaanka uusan jirin qaab ka wanaagsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com