Musharax Cali Guudlaawe oo sagaal arrin ballan-qaaday

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe Khudbado ka jeediyay Musharaxiinta afarta ah ee u tartamaya Xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Dad badan oo sugayay Khubadaha Musharaxiinta ayaa sheegay in musharaxiinta ay jeediyeen khudbado ku qotama xaaladda degaanka, waxaana ugu balanqaad badnaa Cali Guudlaawe oo balan qaadyadiisa ku saleeyay dhibaatooyinka HirShabeelle.

Musharax Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa balan qaaday inuu wax ka qaban doono 9 qodob, haddii loo doorto Madaxweynaha HirShabeelle waxaana qodobadaas ay kala yihiin.

1) Dib u heshiisiin, Waxqabadkiisa 1-aad ayuu Musharax Madaxweyne Cali Guudlaawe ku sheegay inuu yahay dib u heshiisiin iyo inuu dhameyn doono dhamaan tabashooyinka laga qabo dhismaha HirShabeelle. Si gaar ah waxa uu dul istaagay colaad beeleedyada iyo is faham waaga siyaasadeed isagoo sheegay inuu dib u heshiisiintu kala qaadi doono mid bulsho iyo mid siyaasadeed.

2) Amaanka, Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono amaan darida ka jirto guud ahaan HirShabeelle, kuwaas oo ka dhashay colaad beelaha, qatarta Al-shabaab iyo maleeshiyaadka degaanka. Amni la’aantu ayuu sheegay in ay sababtay in waxbadan oo la qaban lahaa suurta geli waayeen.

Sidoo kale Musharax Madaxweyne ayaa sheegay inuu kordhin doono ciidanka booliska HirShabeelle oo hadda gaaraya 60 oo Askari. Sidoo kale waxa uu balan qaaday inuu isu furi doono degmooyinka go’doonka ah ee labada gobal.

3) Garsoorka, Madaxweyni ku xigeenkii hore ee HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa sheegay in garsoorka waxbadan ka qaban doono hadii loo doorto Madaxweynaha HirShabeelle afarta sano ee soo socoto. Garsoorka ayuu sheegay inuu u xulan doono dad aqoon u leh maadaama uu ku xiran yahay amniga iyo daganaanshaha maamulka.

4) Kobaca dhaqaalaha, Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ayaa sheegay inuu hormarin doono dhaqalaaha HirShabeelle islamarkaana sameen doono shaqo abuur si dhalinyarada uga baxaan daruufaha shaqa la’aanta ah eek u gudban. Dhaqaala la’aantu ayuu sheegay in ay qeyb weyn ka geysan karto amni darrada iyo dhibaatooyinka maamulka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in jidadka muhiimka ah dhisi doono maadaama uu ka jiro bur bur badan, isagoo tusaale usoo qaatay wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobalada dhexe ee Soomaaliya iyo wadooyin kale. Sidoo kale waxa uu sheegay inuu dhisi doono garoomada diyaaradaha ee Jowhar iyo Beladweyne

5) Mideynta Canshuuraha, Musharax Guudlaawe ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono mideynta Canshuuraha HirShabeelle, isagoo sheegay in lagu guul dareestay afartii sano ee la soo dhaafay mideynta Canshuuraha. Waxa uu sheegay inuu sameyn doono Akoon mideysan oo lagu soo shubo canshuuraha HirShabeelle si degaanka wax loogu qabto.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu maalgashi dibada iyo gudaha ah u raadin doono HirShabeelle. Maalqabeenada degaanka ayuu sheegay inuu keeni doono HirShabeelle si ay u maalgashadaan.

6) Dhiiri-gelinta Kaluumeysiga iyo Tacabka Beeraha, Musharax Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay inuu dhiiri gelin doono wax-soosaarka HirShabeelle, gaar ahaan Kaluumeysiga iyo beeraha. Waxa uu sheegay in la taageeri doono beeralayda iyo kaluumeysiga si ay hormarin ugu sameeyaan wax soo saarkooda.

7) Musuq Maasuq, Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono Musuq Maasuqa la dagay HirShabeelle. Waxa uu sheegay inuu sameen doono isbadal weyn oo dhab ah si loo dhameeyo musuqa oo saameen weyn ku yeeshay degaanka iyo dowladda HirShabeelle.

8) Arimaha Bulshada, Mr Guudlaawe oo ah Musharax Madaxweynaha HirShabeelle ayaa sheegay in haddii loo doorto Madaxweynaha HirShabeelle uu wax ka qaban doono tayo xumida heysata goobaha caafimaadka ee HirShabeelle islamarkaana uu dhisi doono Isbitaalo oo weyn oo tayo leh.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu hormarin doono arimaha hormarinta. Waxa uu sheegay inuu dhisi doono garoomo kubadda Cagta lagu ciyaari si uu u kordho isdhaxgalka Bulshada.

9) Xal u helida fatahaadaha, Musharaxaan Madaxweyne ayaa sheegay inuu wax ka qaban doono Fatahaadaha wabiga Shabeelle oo dhibaatooyin badan u geestay HirShabeelle isagoo balan qaaday inuu dhisi doono biyo xireeno ama difaacyo hor istaaga fatahaada wabiga.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu si deg deg ah u sameen doono Warbaahin ka kooban Radio iyo Telefishin oo maamulku leeyahay, kaas oo aan lagu guuleysan in la dhiso sanadihii la soo dhaafay.