Musharax Suud Colaad muxuu uga duwan yahay musharaxiinta kale Ward 6 ?

Dhawaan waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ka dhici doona doorashada kursiga xaafada 6aad ee Soomaalidu dagto, waxaana boobkaas dhawaan baneeyay Abdi Warsame oo muddo 7 sano ah ku fadhiyay kursigaas.

Inkastoo ilaa 7 musharax oo Soomaali ah ay usoo istaageen kursigaan, hase ahaatee musharaxiinta ugu cadcad waxaa ka mid ah wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Suud Colaad.  Hadaba haddii aadan Suut aqoon u lahayn ama aadan fikrad ka haysan, waxaan kuu tilmaamaynaa illaa 7 qodob oo Suud Colaad gaar u ah.

  1. Wuxuu astaan u yahay dhalinyarada ka timid Qaxootiga Dhadhaab Iyo Ifo, kuwaasi oo doonaya in ay aduunka baraan wajiga fiican ee Soomaaliya, dhiig cusub-na ku shubaan midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
  2. Suud waa shaqsi isku kalsoon, aan isla weynayn, ku faanaa taariikhdiisii hore, iyo tan haddaba. Wax dambi ah aan ka galin dalka Maraykana, dadkuna aad u xurmeeyaan.
  3. Waa shaqsi ka dhisan caqiidada, dhaqanka iyo aqoonta. Waxaana intaas u dheer in uu yahay Murashax Ololihiisa ay xudun u tahay Soomaalinimo, Africaanimo, Iyo Muslinimo.
  4. Waa shaqsi lasoo shaqeeyay dadyawga ajaaniibta ah ee Minneapolis Minnesota. Leh hal abuur, la hadli kara oo qancin kara dadyow kala diin ah, kala dhaqan ah, kala afkaar iyo kala luuqad-ba ah.
  5. Suud Colaad ma’ahan shaqsi lagu bartay qabyaalad, nacayb, takoor, dagaal, iwm. Taas badelkeed, waa shaqsi ay ushooda u dhiiban karaan dadka reer Minneapolis. Taariikhdiisuna aysan lahayn bar-madoow.
  6. Suud Colaad waa shaqsi lagu bartay in uu dadka aan codka lahayn u qareemo had iyo goor, wuxuuna waqti badan galiyay intii uu Maraykan joogay u adeehida jaaliyada Soomaaliyeed ee Minnesota.
  7. Inta Badan dhalinyarada Qaxootiga markay tagaan Maraykanka waxay ku mashquulaan riyooyinkooda, balse Suud waa shaqsiga kaliya ee bilaabay markii Maraykan tagay in uu u doodo xaquuqaha dadkii uu uga soo tagay Ifo iyo Dhadhaab. Kuwaasi oo uu marar kale duwan kusoo laabtay, la sheekeystay, indha caalamkana kusoo jeediyay.

Ugu dambeyntii 7daas sifo oo Suud Colaad u gaarka ah ayay u badan tahay in uu noqdo qofkii 2aad ee badali lahaa kursigii uu baneeyay Cabdi Warsame ee xaafada 6aad. (Ward 6).

W/Q: Mahad Axmed Cabdullaahi
Minneapolis, Minnesota

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid