Musharaxiinta iyo madax goboleedyada oo Muqdisho ku leh kulan xasaasi + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka furmay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta Mucaaridka iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka, oo ayagu isku maandhafsan habraacyada doorashada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulanka ayaa waxaa looga hadlaya habraacyadii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka iyo diidmadii Midowga Musharaxiinta ay ku wajaheen, kadib markii ay soo ifbaxday in awooda u weyn ee doorashada gacanta u gelayso madaxda dowlad goboleedyada.

Kulanka oo hadda ka socda hoyga ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, waxayn wararku sheegayaan ayaa in kulankaan uu ku yimid kadib codsi ay labada madaxweyne u direen Midowga Musharaxiinta oo ay markii hore ahaayeen saaxiibo dhow.

Mucaaradka iyo Madaxda dowlad goboleedyada qaarkooda oo markii hore xulafo dhow ahaa ayaa maalmihii dambe ku kala fogaaday hanaanka doorashada, kadib markii ay madaxda maamulada qaateen awooda doorashada.

Habraacyadii ay shalay soo sareen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa daaha ka rogay inay si rasmi ah ula wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, kaasi oo ku jiro qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh.

Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri, “Kooramka codbixinta ergada waxa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah.”

Qodobkaan ayaa cadeynaya in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale, waana midda ay diidan yihiin mucaaradku, kadib cabsi la xiriirta in goobta doorashada laga hor istaago ergada inta aysan rabin oo codkooda aysan ku kalsooneyn, maadama uu heshiiskaan u ogolaanayo inay ka maarmaan ugu yaraan 30 ka mid ah ergada soo dooraneysa halkii kursi.