Daawo: Ciidamo beeleed kasoo horjeeda HirShabeelle oo qabsaday Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamo lamagac baxay Badbaadada Gobolka Hiiraan ayaa caawa la wareegay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, iyadoo saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas ay warbaahinta u sheegeen in guud ahaan magaalada ay gacanta ku hayaan, HirShabeelle dambana aysan ka tali doonin.

Ciidanka caawa la wareegay Beledweyne oo ka tirsan qeybta 27-aad ee Militeriga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre Cilmi oo dhawaan laga qaaday xil uu ka haayay qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka iyo sarkaal kale oo lagu magacaabo Nuur Dheere oo ka tirsan ciidanka daraawiishta HirShabeelle.

Korneyl Cabdullahi Barre oo ugu horeyn warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay magaalada ula wareegeen ay tahay tallaabo ay uga hor-tegayaan in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu keeno Beledweyne.

“Ciidamadu waxay la wareegeen xarun kasta oo maamulku kulahaa Beledweyne, waxaa noo cuntami weysay in sayaasiyiin dano gaara leh ay waxay rabaan ka sameystaan gobolkaan, dowladda federaalka waxaan ka codsaneynaa in dhibaatada ka jirta Beledweyne ay soo fara geliso, meel kasta waan la wareegnay, hadda waxaan ku suganahay xarunta maamulka gobolka Hiiraan, dhibaatadii jirtana caawa ayey soo dhamaatay,” ayuu yiri Korneyl Cabdullahi Barre oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysa ciidanka la wareegay Beledweyne.

Sidoo kale Korneyl Nuur Dheere ayaa sheegay inay u dul qaadan waayeen dhibtaada ka jirta gobolka, isla markaana talada gobolka ay la wareegi doonaan hadda kadib.

“HirShabeelle wax la yiraahdo kama sii jiri doono gobolkaan Hiiraan, qeylada reer Hiiraan waana dhibtay, hadda kadibna halkaan kama tali doonto HirShabeelle, talada gobolkaan anagaa la wareegnay,” ayuu yiri Korneyl Nuur Dheere oo ka tirsan saraakiisha daraawiishta HirShabeelle.

Caasimada Online ayaa maanta qortay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheysay in Madaxweynaha Maamulka HirShabeelle awood ciidan lagu geeyo magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Xog aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweyne Cali Guudlaawe diyaarad Helicopter ah lagu geyn doono Beledweyne, taasoo ka dajin doonto xerada ciidamada Cirka ee Lama-galaay.

Xaalad kacsanaan ah ayaa caawa ka taagan magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed iyo mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Jeneraal Mukhtaar oo ka soo jeeda magaalada Beledweyne.

Waxaa laga cabsi qabaa in isku dhacyo hubeysan ay cagaha la gasho Beledweyne, oo beesha ugu awooda roon qabaa’illada dega ay diidan tahay hoggaanka sare ee maamulka HirShabeelle, weliba in madaxweynaha maamukaas uu tago magaalada Beledweyne.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee saraakiisha ciidanka qabsaday Beledweyne