Musharaxiinta Puntland oo lagu soo rogay amar yaab leh oo qofkii diiday lagu…

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Hoggaamiyenimo ee maamulka ay siyaasadooda u adeegsadan muuqaalka ciidamada.

Maamulka ayaa sheegay in sharciga la marin doono musharaxii ololihiisa gaarka ah u isticmaalo isla sawirida ciidamada amaanka ee ku sugan gudaha iyo jiida dagaalka.

Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ololaha doorashada Hoogaamiyenimo ee Puntland ay mamnuuc ka tahay in leysku sawiro ciidamada.

Waxa uu taliyaha sheegay in Musharaxiinta ay ka mamnuuc tahay inay sawiro la galaan ciidamada ku sugan dhufeysyada sida kuwa jooga jiida dagaal ee Tukaraq.

“Musharaxiinta waa ka mamnuuc in ololohooda doorasho ay u adeegsadan isla sawirida ciidamada ku howlan sugida amniga, waxaanu musharax waliba ka dooneynaa inuu nala dhooro sharciga, haddii ay dhici weydo waanu xiri doonaa”

Waxa uu intaa ku daray in marnaba musharixiinta aan loo ogoleyn in ay Ciidamada Sawiro la galaan markii ay tagaan furumaha dagaalka balse laga doonayo in ay wixii ay u qabanayaan Ciidamada si hoose ay ugu wareejiyaan Taliyeyaashooda.

Waxa uu sheegay in maalin ka hor uu deegaanka Tukaraq gaaray musharax ciidamada ugu deeqay shidaal isla markaana xili uu shidaalka ciidamada ugu deeqayey uu isku sawiray taas oo keentay go’aanka ka soo baxay Janeraal Siciid Dheere.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in amarka lagu mamnuucayo isla sawirida ciidamada difaaca uu yahay mid kasoo baxay maamulka sare, waxa uuna ka digay in la khilaafo amarkaasi.

Haddalka Janeraal Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa imaanaya iyadoo musharaxiinta u taagan doorashada 2019 ay ku qulqulayaan furumaha dagaalka ee deegaanka Tukaraq Gobolka Sool.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com